War Deg Deg Ah:Ragii Dilay Taliyihii Qeybta Ee Gobalka Saaxil Oo Maxkamada Ciidamadu Xukun Ku Ridey

0
Sunday July 24, 2016 - 11:39:59 in by Burco Office
  • Visits: 1958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Ragii Dilay Taliyihii Qeybta Ee Gobalka Saaxil Oo Maxkamada Ciidamadu Xukun Ku Ridey

    Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliland ayaa dil toogasho ah ku riday siddeed nin oo ku eedaysnaa in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliland ayaa dil toogasho ah ku riday siddeed nin oo ku eedaysnaa in

ay ka dambeeyeen dilkii alle ha u naxariistee taliyihii qaybta booliska ee gobolka saaxil Marxuun Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf.

Xukunka siddeedan nin waxa xaqiijiyey taliyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee somaliland Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma'arke.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida waxa uu sheegay in siddeed nin oo kale lagu xukumay midkiiba toddoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan bilowgiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku sifeeyey mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

 

Waxa uu intaasi ku daray in dadkan oo dhammaan ah dad rayid ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda.

Qareen Maxamed Jaamac Cabdi waxa uu caddeeyey in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.

AFkashacabka.com
Hargeysa/Office