Hargaysa:Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ka Yeeshay Qodob Caqabadda Ku Ah Doorashooyinka Somaliland

0
Sunday July 24, 2016 - 16:28:36 in by salman abdi
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ka Yeeshay Qodob Caqabadda Ku Ah Doorashooyinka Somaliland

    Kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo masuuliyiinta akadamiyada nabadda ayaa lagaga arinsanayay waxa laga yeelayo saami qaybsiga kuraasta gobolada dalka ee golah wakiilada Somaliland. Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo masuuliyiinta akadamiyada nabadda ayaa lagaga arinsanayay waxa laga yeelayo saami qaybsiga kuraasta gobolada dalka ee golah wakiilada Somaliland. Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo masuuliyiinta akadamiyada nabadda ayaa waxa kulankoodu ka dhacay xarunta akadamiyada kuwaasi oo ka dooday saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka . Inkaste oo aan war rasmi ah kasoo bixin natiijadii kulankaasi hase’yeesheen war aan helayno ayaa sheegaya in kulankaasi wakhti badan qaatay isla markaan intii kulankaasi socday laysla soo hadal qaaday xog ururin ay dhawan golaha wakiiladu ka sameeyeen gobolada dalka oodhan iyo aragtida ay axsaabta qaranku ka qabaan saami qaybsiga . Wararku waxya intaasi ku darayan in lbada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay isla qaaten arimihii laga soo jeediyay madasha halka gudoomiyaha xisbiga WADDANI isagu so jeediyay nuu kala tashanayo masuuliyiinta xisbigiisa isla markaana kulanka danbe layskugu yimaado. Qodobka saami qaybsiga aya ah qodob xasaasi ah isla markaana caqabad ku ah in doorashada la qabto madaama oo gobolada iyo beelaaha qaarkood qabaan inaanay saami wanaagsan ku lahayn golaha wakiilada isl amrkaana ay qaadici doonaan hadii siidi hore loogu tala galo waana calaamatul su’aal dul taala xukumadda iyo golaha sharci dajinta sidii loo maarayn lahaa arinkaasi.