Dood Xasiis AH Oo Laga Hadlay Haweenka iyo Doorka Hogaaminta Iyo Bandhiga Buugta Hargeysa +Sawiro

0
Sunday July 24, 2016 - 20:29:14 in by Burco Office
  • Visits: 1555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood Xasiis AH Oo Laga Hadlay Haweenka iyo Doorka Hogaaminta Iyo Bandhiga Buugta Hargeysa +Sawiro

    Maanta Bandhigga Caalamiga ee Buugta Hargeysa oo galay maalintiisii labaad ayaa waxa lagu falanqeeyey dumarka iyo doorka hoggaamiinta . Falanqeeyayaasha cinwaankan ayaa kala ah: Adna Aadan Ismaaciil oo ah aasaasaha Cusbitaalka Adna, Sucaad Carmiye o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Bandhigga Caalamiga ee Buugta Hargeysa oo galay maalintiisii labaad ayaa waxa lagu falanqeeyey dumarka iyo doorka hoggaamiinta . Falanqeeyayaasha cinwaankan ayaa kala ah: Adna Aadan Ismaaciil oo ah aasaasaha Cusbitaalka Adna, Sucaad Carmiye oo ah hal-abuur ganacsi iyo Baverly Nambozo oo ah suxufi ka soo jeeda dalka Ghana.
Adna Aadan ayaa ku dheeraatay Haweenka iyo doorka hogaaminta bulshada, waxaanay iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa tidhi "Hogaamintu waa qiime lagu hago bulsho, sidoo kale hogaamintu waa dhisida kalsoonida, waxaanaynu u baahanahay isku duubnaan iyo wada jir rag iyo dumarba aynu ku dhisno bulshadeena”.
Adna oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi "Hogaamintu waxa ay ka bilaabantaa naftaada gabadhu waxa loo baahan yahay inay nafteeda ka bilawdo hogaaminta sidaana bulsho ku hogaamin karto”.
Baverly Nambozo oo ah suxufi ka soo jeeda dalka Ghana ayaa iyana hadalka qaadatay waxaanay ka warantay hogaamina iyo doorka haweenka, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi "Waxaan ahay gabadh suxufiyad ah oo wakhti badan ka shaqaynaysay warbaahinta, waxaanan idiin sheegayaa warbaahintu kaliya maaha inaad war bulshada uga sheegto, balse waa wax ka badan ayaad bulshada ka bari kartaa, marka hogaamin laga hadlayo adigu naf ahaantaada qor wixii sheeko guulaystay aad soo martay, taasi gabadh ahaan markaad qorto waxay kaa taageeraysaa inaad qiimayso, is bedelka horumareed ee aad la iman karto”


Baverly oo ka hadlaysay waxa ay ka aaminsan tahay hogaaminta ayaa waxa ay tidhi "Waxaan aaminsanahay hogaamiyuhu had iyo jeer inuu yahay ka taageera bulshada”.


Sucaad Carmiiye oo ah Hal-abuure ganacsi iyo qurbojoog reer Somaliland ah ayaa iyana dhankeeda ka hadashay hogaaminta iyo doorka haweenka, waxaanay tidhi "Hogaamiye marka aynu magacaasi dhadhansano waxaad ka dareemi kartaa inuu yahay oo kaliya magac lab, balse magaca dhedig aan lagu soo darin, balse haddii aad guriga yaraanta u fiirsato marka ilmuhu 6 jir yahay gabadha waxa loo dhiibaa oo lagu aaminaa furaha qasnada halka wiilku xiisaynayo inuu ku sii jiro yaraanta oo uu kubada ciyaaro, iyada oo sidoo kale gabadha loo diro adeega halkaasi ayey gabadhu hogaaminta ka soo qaadataa”.




Cabdirisaaq Koronto
Hrgeisa/Office