Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya.

0
Sunday July 24, 2016 - 21:33:12 in by salman abdi
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu galinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu galinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D'Urso oo isaga wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen dalka, sidoo kalena hore ula kulmay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).



Kulanka oo ka dhacay xafiiska ururka Midowga Yurub ee caasimadda Hargeysa, waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub yeesheen wadahadal ay ku falanqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; xidhiidhka mucaawimo iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ururka EU-da, doorashooyinka Somaliland iyo xaaladaha xilligan ka jira mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadceliyey dalalka reer Yurub taageerada dhaqaale iyo qaadhaanka nidaamka dimuqraadiyadda ee ay siiyaan Somaliland, taas oo uu ka codsaday inay sii wadaan. Sidoo kale, waxa Guddoomiyuhu uga mahadnaqay safiirka oo hadda ka tagaya xilka sidii uu ula shaqeeyey Somaliland muddadii uu hayey shaqan.

Waxa kaloo uu xog-warran ka siiyey safiirka xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan halka ay marayso diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo u diyaargarowga doorashooyinka u qorshaysan dabayaqaada bisha March 2017. Waxaannu Guddoomiyuhu caddeeyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ay ka go’antahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda oo aanay maalina dhaafin, isla markaana dhammaan waajibaadkii kaga beegnaa diyaarintooda ay dhammaystireen, si gaar ahna doorashada Madaxtooyadu mar walba xukuumadda iyo xisbigeeda diyaar ka tahay.

Haseyeeshee, doorashada Golaha Wakiillada ay hortaalo qabyo ka jirta xeerkii lagu dooran lahaa mudanayaasha aqalkaasi oo aan diyaar ahayn, taasina culayskeeda leedahay, balse hadda la wado dedaal axsaabta Qaranku hormood u yihiin si loo suurtogeliyo in doorashada wakiilladu ku qabsoonto waqtigeeda.
Waxa kaloo labada dhinac isla soo qaadeen xaaladdaha xilligan ee mandaqada, gaar ahaan Geeska Afrika iyo kuwa caalamiga ah sida nabadgalyada, siyaasadda iyo kaalinta Somaliland kaga jirto ka wadashaqaynta ilaalinta maslaxadaha dunida iyo gobolkaba iyo ka hortagista waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara ammaanka.
Dhinaca kale, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D’Urso waxa uu soo dhaweeyey mowqifka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee qabsoomidda doorashooyinka.
Waxa kaloo uu ballanqaaday in aanay waxba iska beddelayn mucaawimooyinka Midowga Yurub siiyo Somaliland, isla markaana ay sii socon doonto taageerada ay kaga qaybqaataan arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku wehelinayey kulanka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, halka safiirkana ay la socotay kaaliyihiisa gaarka ah Eva Atanassova.