Diyaarado dagaal xalay duqeeyay deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Gedo Ee Somaliya

0
Monday July 25, 2016 - 09:22:31 in by Burco Office
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado dagaal xalay duqeeyay deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Gedo Ee Somaliya

    Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay ay xalay duqeyn culus ka geysteen deegaankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay ay xalay duqeyn culus ka geysteen deegaankaas.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradahan ayaa dhowr gantaal ku raacay goobo bartilmaameed ah, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen ka hor duqeynta guuxa diyaarado, iyadoo kadib ay arkeen iftiin ay bixiyeen kadibna dhowr gantaal ayaa ku dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bartilmaameedsado saldhig Al-Shabaab ku sugnaayeen, balse wali ma cada wararkaas.

Deegaanka Ceel cadde ayaa 15-kii bishii waxaa lagu laayay in ka badan 100 askari ka tirsan Ciidamada kenya, kadib markii Al-Shabaab weerar xooggan ku qaaday xero ay ciidankaas degenaayeen.

Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay xeradaas, kadib markii khasaaro xooggan uu ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab.