Daawo Sawirada: Nin Qaxooti ah oo isku qarxiyay magaalo kutaala dalka Jarmalka Iyo Dareenka Ka Dhalan Kara

0
Monday July 25, 2016 - 09:26:01 in by Burco Office
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Nin Qaxooti ah oo isku qarxiyay magaalo kutaala dalka Jarmalka Iyo Dareenka Ka Dhalan Kara

    Dalka Jaramlka waxaa kusii kordhaya weerarada iyo qaraxyada ay geesanayaan dhalinyaro katirsan Ururka Islaamiga ee Daacish, kuwaa oo dalka Jarmalka ku galay in ay qaxooti yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jaramlka waxaa kusii kordhaya weerarada iyo qaraxyada ay geesanayaan dhalinyaro katirsan Ururka Islaamiga ee Daacish, kuwaa oo dalka Jarmalka ku galay in ay qaxooti yihiin. Nin Qaxooti Siiriyaan ah oo jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay isku qarxiyay banaanka goob ay kasocotay bandhig faneed, ninkan ayaana loo diiday in uu gudaho u galo goobtaasi kahor inta uusan is qarxin.

Inta la xaqijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay kaliya ninkii waxyaabaha qarax isku soo xiray waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 12-qof oo kale, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka goobtaasi oo laga daad gureeyay dadkii bandhig faneedka ka qeyb galayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobolka Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa sheegay in Weerarka is qarxinta ah uu ka dhacay Magaalada Ansbach oo katirsan gobolkooda, waxa uuna tilmaamay in weerarka ku dhintay kaliya ninkii ka dambeeyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka ninka weerarka geestay in uu ahaa Siiriyaan labo sano kahor Qaxoogtinimo ku yimid dalka Jarmalka balse loo diiday in magan galyo la siiyo, waxa uuna intaa raaciyay in ninkaasi loo ogolaaday in Jarmalka kusii noolaado maadama dalkiisaka socdeen qaraxyo.


Dalka Jaramlka ayaa waxaa ka dhacay maalmo yar gudahood sadex weerar oo dhaliyay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, weeraradan ayaana ka dhacay dhamaan Gobolka Bavariya, waxaana dalka Jarmalka hada laga dareemayaa xaalad ka duwan sidii hore.