"Dacwadaha wanu ka sinay Taajirka, masulka iyo fiqiirka, Kii laaluushka Bixin jirey, kii Qaadan jirey iyo Kii Dillaali jirey ba xabsiyada anu ku gurney.." Prof Adan Hji Ali Gudomiyaha Maxkamada Sare

0
Monday July 25, 2016 - 09:37:26 in by Burco Office
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dacwadaha wanu ka sinay Taajirka, masulka iyo fiqiirka, Kii laaluushka Bixin jirey, kii Qaadan jirey iyo Kii Dillaali jirey ba xabsiyada anu ku gurney.." Prof Adan Hji Ali Gudomiyaha Maxkamada Sare

    Guddomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Prof Adam Hajili ayaa sharraxaad Dheer ka bixiyey Garsoorka Somaliland iyo is bedellada Dhacay muddadii uu xilka hayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Prof Adam Hajili ayaa sharraxaad Dheer ka bixiyey Garsoorka Somaliland iyo is bedellada Dhacay muddadii uu xilka hayey

Garsoore Adan Haji Ali oo saka khudbad dheer ka jeediyey Carwada caalamiga ah ee Bandhiga Buugaagta e ka socota malintii 3aad Hotel Guled, wuxu sheegay inay kor u qaadeen adegyadii garsoork, isago xusay inay gebi ahaanba babiiyeen laaluushkii, iyo musuqmaasuqii oo ay tallaabooyin adag ka qaadeen.

Prof Adan Haji Ali wuxu sheegay isago ka hadlaya Heerka garsoorka dalka Somaliland inay caddaalada u sinmeen bulshada oo dhami isago qiray in marki hore qofk a masuulka ah, qofka caanka ah iyo qofka lacagta haysta uun ay garsoorka jeclaayeen oo dulmi badani haystay danyarta iyo dadka cadiga ah "Qofka Caanka ah, Kan msuulka iyo ka taajirka ahi waxay la sinmeen dadka caadiga ah oo kalsoonidii dadka waanu so celinay in badan maadaama dadka qaar maxkamadaha wax kale ka aminsanayeen, oo ay kaba cabsoon jireen hadi maxkamada arrin ama kiis ka galo, waxanu samaynay si anu kalsonidaas u socelino inanu adkayno looyarada iyo qareenada dadka u dooda oo dad aqoon leh oo dhisan keeno oo qofku ku kalsoonaan karo inu xaq badan badan so dhicisan karo, markaa iminka dadku way amineen garsoorka iyo maxkamadahaā€¯ ayu yidhi prof adan haji ali.

SIdo kale wuxu tilmaamay Adan Haji Cali in Garsorka la ballaadhiyey oo ay tuulooyinka iyo miyiga ba gaadhsiiyeen isago tilmaamay in dacwadaha raaga ama habsaama aykelifi jirtay dacwoodayasha oo an kalsooni badn ku qabin inu kiiskooda ku so dhammanayo wakhti yar , dhaqaale xumo iyo meelaha fogfog ee dadku joogan oo anu garsoorku gaadhi jirin, taas bedelkeedana ay sameeyeen inu qofku maxkamadaha ka helo adeeg degdeg ah oo anay dhici doonin dacwad qofku ka bakhtiyo oo Tobanaan sanno qaadata.

Wuxu kalo tilmaamay inay xabsiyada ku gureen dadkii laaluushka bixin jirey garsoorayaashi qaadan jirey iyo kuwi u kala dillali jirey, isago sido kale bayyaamiyey inay jireen dad la yidha ku Dhaartayaal oo Dacwad kasta ku dhaaran jirey kuwaasna qaar ka mida la xidhay.

Prof aadan haji ali wuxu rajo fiican ka muujiyey kor u kaca garsoorka Dalka iyo Nayaayirka Shacabka Somaliland, isago tilmaamay in dadka Somaliland cid ka sharci jeceli aanay jirin ee la nacsiiyey oo ay qabyo badan ka muuqatay garsoorka dalka balse iminka ay socoto hawshi dib loogu so celinayey niyadda shacabka.

Isagoo ka hadlaya tayada garsoorayasha wuxu shegay in ay garsoorayashu yihiin heer jaamcadeed oo weliba ay Dumarku heleen saamigi ay xaqa u lahaayeen oo ay loyaro iyo xeer ilaaliyaal ba ka yihiin maxkamadaha iyado aanay hore u jirin haween xeer ilaaliyaal ah oo dacwadaha soo oogaaa.

Gebogaabadii wuxu tilmaamay Adan Haji ali in Hogaaminta iyo maamulka wanagsan uu ka dhasho garsoorka fiicani isago xukumadda madxweyne siilanyo ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto in shacabku helaan garsoor tayo leh oo la aamini karo laguna kalsoonaan karo si horumarka waddanku u sii koro, isagoo tiriyey qorshayal badan oo ay dejiyeen oo ku saabsan garsoorka waddanka.



La soco muuqaalka Khudbada Guddomiyaha goor dhow

Isha Ku hay Afkashacabka.com