Muslimiinta ku dhaqan dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa soo dhaweeyey go'aan maxkamadeed oo lagu soo rogay in gabdhaha dhigta dugsiyada dawladda ee Gobolka Lagos ay xidhaan xijaabka, waxaanay ku tilmaameen arrintaasi guul sharci oo la gaadhay.
Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka Muslimka ah oo la yidhaa MURIC (Muslims Rights Concern Group), ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Rafcaanku soo saartay uu meesha ka saaray go’aan muddo badan lagu mamnuucay in habluhu xidhaan xijaabka waqtiga ay dugsiyada dhiganayaan.
"Xaqiiqda go’aanku waxa uu ahaa mid qarsoon. Laba ka mid ah shanta garsoore ee go’aanka soo saaray ayaa Muslim ahaa, waana arrin muujinaysa sharciyad ah in haweenka Nijeeriya oo dhan xidhaan xijaabka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed uu soo saaray ururka MURIC.
Madaxweynaha Guud ee Golaha Maxkamadda Sare ee Arrimaha Islaamka (Nigerian Supreme Council for Islamic Affairs) Mr. Alhaji Abubakar, ayaa sidoo kale go’aankan soo dhaweeyey, waxaannu yidhi; "Muslimku kuma qasbayo inuu qof kasta xijaabka xidho, balse qof kasta oo doonaya waa loo oggolaanayaa.”
Bulshada ku dhaqan dalka Nayjeeriya, waxa ay u qaybsan Muslim iyo Kiristaan, waxana ku nool in ka badan 200 qoomiyadood.
Muslimiinta Dalka Nayjeeriya Oo Soo Dhoweeyey Go'aan Maxkamadu Ku Soo Rogtay Dugsiyada Dawladda.
Muslimiinta ku dhaqan dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa soo dhaweeyey go'aan maxkamadeed oo lagu soo rogay in gabdhaha dhigta dugsiyada dawladda ee Gobolka Lagos ay xidhaan xijaabka, waxaanay ku tilmaameen arrintaasi guul sharc