Ciyaaryahanka Maxamuud Kofindhe Oo Waraysi Uu Bixiyey Ku Dhaliilay Dib U Dhaca Ku Yimid Doorashada Xidhiidhka Kubada Cagta, Talana U Soo Jeediyey Dhalinta Somaliland

0
Tuesday July 26, 2016 - 09:03:24 in by salman abdi
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Maxamuud Kofindhe Oo Waraysi Uu Bixiyey Ku Dhaliilay Dib U Dhaca Ku Yimid Doorashada Xidhiidhka Kubada Cagta, Talana U Soo Jeediyey Dhalinta Somaliland

    Govindhe "Waxaan leeyahay Dhalin yarada Somaliland Oo dhanbaa Rajo leh ha niyad jabina, Balwadahana ka fogaada iyo Xaafad Xaafada Aad isku laynaysaan, Samra Saadaashu waa guule." Waxaanu todobaadkan Waraysi gaar ah la yeelanay Maxamuud C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Govindhe "Waxaan leeyahay Dhalin yarada Somaliland Oo dhanbaa Rajo leh ha niyad jabina, Balwadahana ka fogaada iyo Xaafad Xaafada Aad isku laynaysaan, Samra Saadaashu waa guule." Waxaanu todobaadkan Waraysi gaar ah la yeelanay Maxamuud Cabdi Xassan (Govindhe), oo ah laacib ka tirsan xulka qaranka Somaliland, Kooxda Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Xulka Gobolka M/jeex. Govindhe ayaana dhawaan ka mid ahaa laacibiin 4 ah oo kasoo ciyaaray wadanka Abkhazia halkas oo ay ka qayb galeen Koobka Wadamada aan la aqoonsan, waxaanu ku guulaystay Goolkii ugu quruxda badnaa ee Tartankaasi. Hadaba laacibkan ayaanu ku marti qaadnay barmaamijka Bandhiga Ciyaar yahadana iyo Tabobarayasha dalka oo aanu todobaad kasta kusoo waraysano Ciyaar yahanada iyo Tabobarayaasha ugu caansan dalka.


 

Hadaba Waraysigan aanu la yeelanay Maxamuud Govindhe ayaa u dhacay sidan;

 

 

S: Ugu Horayn Waxaad Nooga Warantaa Taariikh Nololeedkaaga?

 

J: Waxa aan ku dhashay magaalada Hargaysa, sanadkii 1985, kubada cagta waxaan bilaabay aniga oo aad u yar, waxaan u soo ciyaaray kooxo badan oo Caasimada hargaysa ka dhisan iyo sidoo kale gobolada, waxaan soo noqday tabobare kooxaha heerka B-da iyo C-da kuwaas oo aan soo saaray laacibiin badan, dhanka kale waxaan ahaa arday waxbarashada ku fiican halkaas oo aan ka gaadhay ilaa heer jaamacadeed.

 

S. Waxaad Sawir Guud Naga Siisaa Xirfadaada Kubada Cagta? Halkeed Ka Bilawday Xirfadaada Kubada Cagta?

 

J. Marxalado badan oo kala duwan ayey soo martay xirfadayda kubada cagtu waxaan kasoo ciyaaray boosas kala duwan oo u badnaa dhinaca weerarka, waxaan nasiib u helay kooxo iyo macalimiin xirfadayda kubada cagta saamayn wayn ku lahaa.

 

S. Maxaa La Odhan Karaa Way Kugu Dhalisay Inaad Noqoto Ciyaartoy? Ma Jirtaa Cid Kugu Dhiiri Galisay Inaad Noqoto Ciyaar Yahan?

 

J. Waxa aan ahaa qof yaraantiisii aad u jeclaa kubada cagta iyo dhamaan Sportska, waxaan bilowgii si xiiso leh aan u bilaabay, waxa igu dhiiri galiyey waalidkay iyo maamulkii dugsigaygii hoose dhexe.

 

S. Imisa Kooxood Ayaad Usoo Ciyaartay? Wakhti Intee Leeg Ayaad Ku qaadatay Koox Kasta?

 

J. Waxaan U Soo ciyaaray kooxo badan oo caasimada iyo gobolada Somaliland-ba ka dhisan, wakhtiga aan la qaatayna waa uu kala duwanaa qaarkood mudo badan ayaan ku qaatay qaarna mudo woxogaa ah. Dhamaan kooxaha aan u soo ciyaaray waxay taariikh iyo xusuus gaar ah ku lahaayeen Sportska wadanka.

 

S. Kooxdee Iyo Gobolkee Ayaad Ka Tirsan Tahay Wakhti Xaadirkan? Mudo Intee Leeg Ayaad U CIyaaraysay?

 

J. Hada wxaan ka tirsan ahay kooxda Dawlada Hoose ee Hargeysa oo aan u ciyaarayey mudo 11 sanadood ah iyo Gobolka M/jeex oo aan 9 sano u ciyaarayey.

 

 

S. Booskee Ayaad Ka Ciyaartaa? Hadiiba Loo Baahdo Ma jiraa boos Kale oon Kaaga ahayn Oo aad Ka Ciyaari Karto?

 

J. Weerarka Dhinacyada (11 iyo 7) boosaska kale ee aan kasoo ciyaaray waxaa ka mid ah difaaca iyo dhexda.

 

 

S. Waa Kuma Difaaca Kuugu Halista Badnaa Laacibiinta Dalka? Sidoo Kale Gool hayahee Ayaa Ah ka aad Uga Cabsato Xiliyada Rikoodhayaasha (Penalties)?

 

J. Waxay ahaayeen Kabtan Gabyaaye iyo Khaalid Naysha, dhinaca gool wadayaasha waa Guuleed Fernando.

 

S. Ma jiraa Laacib/Xidig aad Si gaar ah u taageerto Ciyaaryahanada Dunnida?

J. Haa Hadda Ma ciyaaro laakiin waa laacibkii Paul Schools.

 

S. Yaad Si gaar ah U Xusi Lahayd Tabobarayaashii Kusoo tabobaray Intii Aad Kubada Cagta ciyaaraysay?

J. Waxaanan ilaawi Karin Macaliminta kala ah; Max’ed Gadaraawi, Diri-dhaba, Xasan Waraabe Cadde, Yaasiin Abayeero iyo Kuwo badan oo aan soo koobi Karin

 

S. Heerkeed Jeceshahay Inaad Ka gaadho Kubada Cagta iyo Sports-ka?

 

J. Hamiladii aan muddada badan raadinayey waxay ahayd inaan u ciyaaro xulkayga Jamhuuriyada Somaliland,( Alxamdu-Li laah), waana ay ii suuro gashay, waxa imika aan jecel ahay inaan Xulka Qaranka u Noqon lahaa Tabobare.

 

S. Imisa Ciyaarood, Tartan oo Heer Caalami ah ayaad ka qayb gashay? Ma Jiraa Tartan/Koob ama Bilad Si Gaar ah Kuugu Qaaliya?

 

J. Tartamo badan oo gobolada ah, iyo kuwo dibada ah, waxa jira bilado iyo koobab badan oo aan hantay/qaatay, waxaana kamid ah bilado Gool dhalinta ah, ciyaar wanaaga, akhlaaq wanaaga kuwo sharafeed iyo Kuwo kale oo koobab la socday.

 

 

S. Imisa Koob iyo Biladood Ayaad Ku Guulaysatay Mudadii Aad Ciyaaraysay?

 

J. Koobab badan iyo bilado badan kow iyo laba ma odhan karo laakiin way badan yihiin sida gool dhalinta, iyo gool qurux badnaan oo aan markii ugu dambaysay kasoo qaatay wadanka Abkhazia.

 

S.Guulo badan iyo Guul-darooyinba Dabcan waad la kulantay Intaad Ciyaaraysay, Ma Sheegi Kartaa Wakhtigay Kuugu Farxada Badnayd iyo Sidoo Kale Wakhtigii ay Kuugu Murugada Badnayd?

 

 

J. Kubada micnaheeda ayaaba ah inaad guusha raadiso guul daradana aad ku samirtid, farxada sportskuna waa markaad shakhsi ahaan iyo koox ahaanba u guulaysatid murgadana waxaa keena guul-darada uun.

 

S. Dhawaan Waxad Kasoo Laabatay Abkhazia? Sawir Noocee ah ayaad Naga Siin Kartaa Guud Ahaan Tartankaasi? Iyo Khibrada aad kala soo Noqoteen, iyo Xaaladii Aad Ku sugnaydeen?

 

J. Abkhazia, waxaan kala soo laabtay aniga oo sita magaca xulka qaranka Jamhuuriyda Somaliland taas oo aanu dunnida tusnay, Rajadii Dhalin yarada oo aanu u iftiiminay Sportskeena halka uu Joogo Qiimihiisu oo ogaanay, Waxa tartankaasi guud ahaan Somaliland iyo Sportskaba u ahaa Guul.

 

S. Talo ahaan Maxaad Usoo Jeedin Lahayd Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalin-yarada Somaliland?

 

J. Wasaarada doorashada xidhiidhka oo saacado lagu qaban lahaa ay ku qaadatay Saddex sanno, waxaan leeyahay dhalinta beenta ka daaya, Sportskeenuna hadal uma baahnee, hawl ayuu rabaa, Taariikh iska reeba waad awoodaan hadii aad daacad tihiine.

 

S. Maxaad Jeceshahay Inaad Noqoto Markaad Ka fadhiisato Mihnada Kubada Cagta?

 

J. Waxaan jecel ahay inaan noqdo Tababare ilaa heer qaran ah, iyo sidoo kale Ganacsade.

 

S.Tallo ahaan Maxaad Usoo jeedin Lahayd Dhalin yarta Jecel Kubada Cagta Ee Hiigsanaya INay Gaadhaan Heerka Aad Kagaadhay?

 

J. Waxaan leeyahay Dhalin yarada Somaliland Oo dhanbaa Rajo leh ha niyad jabina, Balwadahana ka fogaada iyo Xaafad Xaafada Aad isku laynaysaan, Samra Saadaashu waa guule.

 

S. Ugu Dambayn yaad u mahad naqi lahayd?

 

J. Ugu horayn ILAAhay ayaan u mahad naqayaa, mar labaad waalidiintayda, Familigayga, Asxaabtayda , Bahda Wargayska Geeska, iyo Dhamaan Shacabka Somaliland. Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu mah naqayaa Ururka Somaliland Football Association UK si gaarana usii xusi lahaa Mr. ilyaas iyo Guuleed.

 


Xigasho Geeska