Wafdi Khubaro ah oo ka socday Wadanka Sudan oo la kulmay Madaxda Jaamacadda Jazeera Ee Magalada Muqdisho

0
Tuesday July 26, 2016 - 10:17:28 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Khubaro ah oo ka socday Wadanka Sudan oo la kulmay Madaxda Jaamacadda Jazeera Ee Magalada Muqdisho

    Wafdi heer sare ah uu hogaaminaayay Prof Xassan Cali Maxamed (Al-saacuuri) oo u dhashay dalka Suudaan ahna hirgaliyaha Jaamacado badan oo ku yaalla dalkaasi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Jazeera ee Muqdisho, waxayna ka wada hadleen Masu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi heer sare ah uu hogaaminaayay Prof Xassan Cali Maxamed (Al-saacuuri) oo u dhashay dalka Suudaan ahna hirgaliyaha Jaamacado badan oo ku yaalla dalkaasi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Jazeera ee Muqdisho, waxayna ka wada hadleen Masuuliyiinta Jaamacadda & Wafdigaan sidii loo tayayn lahaa waxbarashada xiriir wada shaqeyna loola yeelan lahaa.
Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof Ibraahiim Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ujeedada wafdigaan u casuumeen ay aheyd sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen maadaama ay yihiin khubaro aqoon durugsan u leh arrimaha waxbarashada sare muddo dheerna ku soo jiray jaamacado badan oo can ka ah dalka suudaana ka qeybqaatay aasaaskooda & kor u qaadidda tayadooda waxbarasho.

Sidoo kale wafdiga Suudaan waxaa ka mid ahaa Dr C/Muncim Maxamed Cusmaan (Fadlullaahi) oo isna ah khabiir dhanka waxbarashada sare ee dalka suudaan, wuxuuna sidoo kale aad uga hadlay sidii Jaamacadda Jazeera & Jaamacadaha ku yaalla Suudaan xiriir wanaagsan oo wax wada qabsi u dhexmari lahaayeen.

Maamulka Jaamacadda Jazeera oo casuumay wafdigaan khubarada dalka Suudaan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxey ku dadaaleysay sidii ay u sameyn laheyd xiriiro ballaaran oo dhanka dhibadda ah kuwaasoo ku saleysan wax wada qabsi & tayeynta waxbarashada heerka sare, wuxuuna maamulku intaa ku daray iney wadamo badan oo dibadda ah xiriiro lasameyn doonaan si la isaga kaashado tayada waxbarashada sare.

Ugu dambeyn wafdigan Suudaan uga yimid Jaamacadda Jazeera ayaa ka qeybgalay Xaflad ballaaran oo loo qabtay dufcadda 2-aad ardayda Kulliyadda Caafaimaad-ka Jaamacadda Jazeera taa oo ujeedadeedu ahayd gunaanad-ka duruustii 5-ta sano uguna gudbaayeen Internship-ka ama Practical-ka iyagoona ku sameyn doona guud ahaa Cisbitaalada dalkeenna soomaaliya gaar ahaan kuwa Caasimadda Muqdisho.

Prof Xassan Cali Maxamed (Al-saacuuri) oo hadal ka jeediyay Xafladdaas ayaa ku amaanay Jaamacadda Jazeera soo saaridda arday aad u sareysa heerkooda aqooneed oo leh qeyba badan gaar ahaan kuwa Caafimaad-ka, isagoona Dr Al-saacuuri intaa ku daray in dadka soomaaliyeed guud ahaan ay ku dadaaleen dhammaan howlahooda kala duwan iyagoona muddo aad u dheer dowlad la’aan ahaa.

Gunaanadkii Xafladda ayaa ardaydii loo qabtay waxey abaal-mariyeen guud ahaan macalimiintii & maamulkii mudada 5-ta sana ahayd ku soo dadaalay waxna soo baray, waxey sidoo kale amaaneen guud ahaan waalidkii hiil & hooba lagarab taagnaa mudadaas aadka u dheereyd iyagoona ka codsaday iney joogteeyaan garab istaagooda qiimaha badnaa, sidoo kale qaar ka mid ah waalidiinta ayaa aad ugu mahadceliyay Maamulka & Macalimiinta Jaamacadda Jazeera sida wanaagsan ey ugu dadaaleen tayada waxbarashada ubadkooda, waxeyna ka codsadeen waalidiintu Maamulka Jaamacadda Jazeera inaaney ka daalin joogteynta tayada waxbarashada ubadka soomaaliyeed oo mudada dheer dhibaateysnaa.