Xulalka Kubadda cagta Jubaland iyo Puntland oo galabta cayaari doona iyo taageerayaal ku qulqulaya Muqdisho

0
Tuesday July 26, 2016 - 16:10:05 in by salman abdi
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulalka Kubadda cagta Jubaland iyo Puntland oo galabta cayaari doona iyo taageerayaal ku qulqulaya Muqdisho

    Xulalka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada Soomaaliyeed ee Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maanta gelinka danbe ay ku wada dheelaan garoonka kubadda cagta Koynis ee magaalada Muqdisho. Cayaartan oo ah tii ugu dambeysta Tartanka kubadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada Soomaaliyeed ee Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maanta gelinka danbe ay ku wada dheelaan garoonka kubadda cagta Koynis ee magaalada Muqdisho. Cayaartan oo ah tii ugu dambeysta Tartanka kubadda cagta ee maamul-goboleedyada dalka iyo xul matalaya caasimadda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

Taageerayaasha xulalka Jubaland iyo Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku qulqulayay magaalada Muqdisho ayagoo doonaya in ay ka qeybgalaan cayaarta kama danbeysta ee dhexmari doonta labada xul.

Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa waxaa ka baxay diyaarado ay kireeyeen madaxda dowlad goboleedyada, kuwaa oo qaaday taageeroyaal iyo masuuliyiin ka qeybgali doona tartanka maanta gelinka danbe dhex mari doona Jubaland iyo Puntland.

Wasiirka warfaafinta Jubaland C/nuur Cali Aadan oo kamid ahaa wafdi ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno, Ciyaartooy iyo taageerayaal oo saaka ka baxayay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in hadafka safarkoodu yahay in ay dhiirigeliyaan xulka kubadda cagta ee matalaya Jubaland.



Xulka Jubaland ayaa kasoo baxay Groub-ka B oo ay ay isku soo arkeen xulal matalayay Galmudug iyo xulka Hiiraan/Shabeelaha Dhexe, waxayna ciyaartii ugu danbeeysay ee ay Finalka kusoo aadeen kaga soo adkaadeen xulka Banaadir oo ahaa xulka labaad ee kasoo baxay Groub-A.

Sidoo kale Puntland ayaa kasoo baxday Groub-ka A oo ay isku soo arkeen xulalka Banaadir iyo Koonfur Galbeed, waxayna ciyaartii ugu danbeeysay kasoo adkeen Xulka Hiiraan/Shabeelaha Dhexe oo ahaa Xulka labaad ee kasoo baxay Groub-B.

Xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya xul matalayay gobolka J/hoose ayaa ku guuleystay 8-Koob oo kamid ahaa 16- Tartan oo loo qabtay gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna gobolka J/hoose leeyahay taariikh dhanka cayaaraha kubadda cagta ah oo siweyn loogu xurmeeyo.

Cayaarta galabta ayaa ah mid xiiso leh, ayadoo siweyn loogu hadal hayo Baraha Bulshada, waxayna taageerayaasha labada dhinac guulo u saadaalinayaan xulalka labada dhinac ee ay kala taageerayaan. - See more at: