Xadgudubyo lagu eedeeyay ciidammada South Sudan

0
Wednesday July 27, 2016 - 08:34:55 in by salman abdi
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadgudubyo lagu eedeeyay ciidammada South Sudan

    Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in ciidammada dowladda South Sudan ay dileen, kufsadeen oo ay afduubeen dad rayid ah, iyagoo ku xadgudbaya heshiiska nabadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in ciidammada dowladda South Sudan ay dileen, kufsadeen oo ay afduubeen dad rayid ah, iyagoo ku xadgudbaya heshiiska nabadda.


Warbixinta ayaa waxa ay tilmaamaysaa in arrimahaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bilihii Agoosto iyo Diseembar ee 2015, markaa oo tuulooyin dab la qabadsiiyay.

Warbixintu waxay tilmaantay dhibaatada dadka South Sudan u soo gaadha qof qof iyo tuulooyin dhanba.

Amnesty waxay sheegtay inay waraysatay markhaatiyaal arkay rag iyo haween rayid ah oo dablay weerar ahi toogatay.

Waxa kale oo la sheegay in carruur iyo dad waayeela nolol lagu gubay oo gabdho iyo haweenna si is dabajoog ah loo kufsaday.

Markhaatiyaashu waxay sheegeen in dableydii weerarkan fuliyay ay xidhnaayeen dirayska ciidanka.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa hore ugu eedaysay ciidanka South Sudan iyo maleeshiyaadka taabacsan ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, laakiin dowladdu waxay beenisay in ciidamadeedu lug ku leeyihiin dadkaa la laayay.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye laba sana ka hor, in ka badan laba milyan oo qof ayaa South Sudan isaga qaxay guryahooda.