Cilmi Baadhis:Dalalka ay ka soo jeedaan dadka ugu dhaadheer caalamka
Cilmi baaris cusub ayaa muujineysa in ragga dunida ugu hdaadheer ay ka soo jeedaan dalka Holland.
Dhanka dumarka ugu dhaahdeer dunida waxay ku nool yihiin Latvia, sida baaritaanka lagu sheegay.
Sidoo kale, dumarka dunida ugu gagaaban waxay u dhasheen dalka Guatemala, ragga ugu gaabanna waxay ka soo jeedaan dalka East Timor.
Cilmi baarayaasha oo ka tirsan jaamacadda Imperial ee London waxa ay sheegayaan in dhaxal iyo kala duwanaanta ay arrintan ugu wacan tahay.
Laakiin arrinta aadka muhiimka u ah ee la ogaaday waxay tahay nafaqada, nadaafadda iyo caafimaadka inay gacan ka geysan karaan dhirirka qofka.
Baaritaanka oo lagu daabacay wargeyska e-Life waxaa lagu ogaaday in shucuubka reer galbeedka ay heleen dhirir badan.
Dhanka Afrika, deegaano badan oo lagu tirinayay dhirirka ayaa qarniga ay waxbadan lumiyeen.
Cilmi Baadhis:Dalalka ay ka soo jeedaan dadka ugu dhaadheer caalamka
Cilmi baaris cusub ayaa muujineysa in ragga dunida ugu hdaadheer ay ka soo jeedaan dalka Holland. Dhanka dumarka ugu dhaahdeer dunida waxay ku nool yihiin Latvia, sida baaritaanka lagu sheegay.