KENYA:Wiil Uu Awoow U Yahay Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Loo Maxkamadeynayo Taleefano Uu Xaday.

0
Thursday July 28, 2016 - 09:55:03 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KENYA:Wiil Uu Awoow U Yahay Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Loo Maxkamadeynayo Taleefano Uu Xaday.

    Wiil uu awoowe u yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi ayaa maanta la soo taagay Maxkamad, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirtay inuu xaday labo taleefano oo kuwa gacanta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil uu awoowe u yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi ayaa maanta la soo taagay Maxkamad, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirtay inuu xaday labo taleefano oo kuwa gacanta ah.

Toroitich

Maxkamadda magaalada Nakuru ayaa maanta la soo taagay Collins Toroitich Moi oo lagu eedeeynayo inuu Labo Mobile ka xaday gabadhigiisa iyo gabar saaxiib la aheyd.

Grashark Maxkamadda ayaa sheegay Mr Moi inuu taleefan ka xaday gabadhiisa iyo gabar saaxib laheyd oo lagu magacaabo Betty Chebet 14-kii bishan July.

Mr Moi ayaa beeniyay inuu taleefanada xaday, balse waxaa uu xusay inuu kala wareegay, hase ahaatee uu dib ugu celiyay.

Waxaa uu sheegay in laga yaabo in Taleefanka uga tageen gaari Tagsi ah oo ay la socdeen, isla markaana aanay jirin wax uu xaday.

Qareenka u doodayay Mr Moi ayaa markii dambe ku guuleystay in Maxkamadda labada dhinac ugu baaqaan inay arrintooda heshiis ku dhameeyaan.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku sii deysay damaanad lacageed oo gaareysa Sh20,000 oo lacagta Kenya ah.