Xildhibaan Ku Gafay Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Riday Xukun Xabsi Ah

0
Thursday July 28, 2016 - 09:57:19 in by salman abdi
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ku Gafay Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Riday Xukun Xabsi Ah

    Xildhibaan katiranaa Baarlamaanka Dowlada Kuwait ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah in uu wax ka sheegay una gefay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan katiranaa Baarlamaanka Dowlada Kuwait ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah in uu wax ka sheegay una gefay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Maxkamad kutaala dalka Kuwait ayaa shalay xukun 14-sano ah waxa ay ku riday Abdulhameed Dashti, oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka dalka Kuwait hadana baxsad ku maqan kadib markii lagu helay dambiyo ku aadan in uu u gefay Sacuudiga iyo wadanka kale ee Baxreyn.

Mudahan ayaa horey Baarlamaanka dalka Kuwait uga qaadeen xasaanada Xildhibaanimo , xiligaa uu u gefay waxa ka sheegay Nidaamka iyo qaabka ay u dhaqanto Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna ka hadlay sida shareecada ugu dhaqanto Sacuudiga iyo taageero uu sheegay in ay siiso kooxo Siiriya ka dagaalama.

Xildhibaankan oo kasoo jeeda Shiicada Kuwait , ayaa sidoo kale dambiyada lagu helay waxaa ku jiray in sidoo kale uu u gefay Dowlada Baxreyn, waxaa sidoo kale Xildhibaan Abdulhameed Dashti , ku eedeesan yahay dambiyo kale.