-Ninkii isku dayay inuu toogasho ku dilo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan 1981kii John Hinckley Jr ayaa laga sii deynayaa isbitaal dhinaca dhimirka ah oo uu ku xirnaa.
Mr Reagan iyo saddex ruux oo la socotay ayaa toogashadan ku dhaawacantay iyagoo ka soo baxaya hotel ku yaal magaalada Washington bishii March 1981kii.
Mr Hinckley ayaan lagu helin wax dambi ah maadaama dhimirkiisu ay wax ka dhinaayeen waxaana loo direy isbitaal lagu daweeyo magaalada Washington. Ninkan ayaa kala bar inkabadan bil walba waxa uu kula noolaa guri ay hooyadii ka degen tahay Virginia iyadoo amaro adadagna la dul dhigay.
Xaakim ayaa haatan armay in Mr Hinckley oo 61 sano jir ah uu laga bilaabo 5ta bisha August si buuxda ula noolaan karo hooyadii. Waxana uu xaakimku sheegay in uusan haatan wax halis ah ku ahayn Mr Hinckley naftiisa iyo dadka kalaba.Hase yeeshee, waxaa ka mamnuuc ah ninkan in uu la hadlo saxaafada.
Weerarkii toogashada ahaa ayaa lagu qaaday Ronald Reagan dhowr tobbodaad kadib markii la doortay, waxana dhaawac uu ka soo gaaray sambabada balse wuu ka bogsaday.
Hase yeeshee xoghayihiisii warbaahinta James Brady ayaa dhaawac uu ka soo gaaray madaxa, kaasoo intii noloshiisa ka dhineyd ku dhamaystay curyaanimo. Mr Brady ayaa geeriyooday sanadkii 2014 isagoo 73 sano jir ah.
Mr Hinckley ayaa u toogtay Reagan sababo la xiriira inuu soo jiito haweeney jilaa ahayd Jodie Foster, iyadoo uu aad u jeclaa.
Nin Isku Dayay In Uu Dilo Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maraykanka Reagan Oo La Sii Deynayo.
-Ninkii isku dayay inuu toogasho ku dilo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan 1981kii John Hinckley Jr ayaa laga sii deynayaa isbitaal dhinaca dhimirka ah oo uu ku xirnaa.