Dawlada Turkiga Oo Ku Hawlan Xidhida Warbaahin Badan Oo Ka Hawlgasha Wadankaasi

0
Thursday July 28, 2016 - 10:11:31 in by salman abdi
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Ku Hawlan Xidhida Warbaahin Badan Oo Ka Hawlgasha Wadankaasi

    Dowladda Turkiga ayaa amartay in la xiro xarumo badan oo kale oo warbaahineed, xilli ay sii waddo nadiifinta ballaaran ee ay ku hayso hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay kaddib afgambigii dhicisoobay 15-kii bishan. Haddaba iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa amartay in la xiro xarumo badan oo kale oo warbaahineed, xilli ay sii waddo nadiifinta ballaaran ee ay ku hayso hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay kaddib afgambigii dhicisoobay 15-kii bishan. Haddaba iyadoo ay nadiifintaa socoto, ayaa sidoo kale Madaxweyne Erdogan waxa uu la xiriirayay siyaasiyiinta mucaaradka si uu uga dalbado taageeradooda.


Maalinba ta ka dambaysa tiradu way sii kordhaysaa.

Saddex wakaaladood, lix iyo toban teleefishan, shan iyo afartan wargeys, shan iyo toban jariidadood iyo sagaal iyo labaatan xarumaha daabacaadda ah ayaa la xiri doonaa.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin laakiinse warbaahinta Turkigu waxay sheegaysaa inkastoo badankoodu yihiin kuwo yaryar oo ka soo baxa gobollada, in la beegsan doono dhawr wakaaladood iyo wargeys oo heer qaran ah.

Waxaa kaloo weli socda shaqo ka dareenintii ka dhex socotay ciidammada qalabka sida, iyadoo goor dambe oo maanta ahna golaha sare ee milatarigu shir iskugu iman doono.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna wada hadallo la yeeshay madaxda xisbiyada waa wayn ee mucaaradka, waxaanay uga digeen inuu ku talax tago qabqabashada iyo shaqo ka dareerinta uu wado, inkastoo aanay sheegin in weli ujeedadii laga lahaa tallaabadan la gaadhay iyo in kale.