SALAL:Taliyihii Ciidanka Policeka Ee Gobolka Selel Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

0
Thursday July 28, 2016 - 16:29:15 in by salman abdi
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SALAL:Taliyihii Ciidanka Policeka Ee Gobolka Selel Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

    Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Selel Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, Taliye Ku-xigeenkiisii gaashaanle Raage Muuse Dirir iyo dirawal Boolis dable Maxamed Sugge Muumin.ayaa dhaawacyo culusi soo gaadheen isla markaana xaaladooda caafimaad aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Selel Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, Taliye Ku-xigeenkiisii gaashaanle Raage Muuse Dirir iyo dirawal Boolis dable Maxamed Sugge Muumin.ayaa dhaawacyo culusi soo gaadheen isla markaana xaaladooda caafimaad aad u culus tahay, ka dib markii ay shil gaadhi ku galeen banka giriyaad oo ay isku dhaceen gaadhigii ay wateen iyo baabuur weyn oo xammuul ahi xalay fiidkii. Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Saylac kabtan Xasan Cabdisalaan Yuusuf oo khadka Telefoonka aanu ku waydiinay xaalada saraashiisha booliska gobolka ee dhaawacmay ayaa sheegay in dhaawacyo culusi ay soo gaadheen isla markaana aan wakhtigan laga warbixin karin laakiin ay qaadeen dhanka degmada Saylac xarunta gobolkaSelel.


Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in labada gaadhi ay isku dhaceen xilli habeenimo ah iyadoo ay isu qarisay labada gaadhi dabaylo waawayn oo ka dhacaya xilligan banka giriyaad.

Dhinaca kale Maayarka Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu isagana wax ka weydiinay gurmadka ay u fidiyeen saraakiisha ciidan ee shilka gaadhi dhaawacyadu ka soo gaadheen ayaa sheegay in aanay haynin oo aanay degmadu lahayn gaadiidka gurmadka Caafimaadka deg dega ah ee loo yaqaan Ambalaaska isla markaana uu xidhan yahay Cisbitaalka guud ee degmadu.

"Shilkaa gaadhi wuu jiraa waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Selel iyo Taliye ku-xigeenkiisa iyo dirawalkoodii waxaanay ku jireen taliyeyaasha dhaawacmay iyo Guddoomiyaha gobolkuba kormeer shaqo oo ay ku soo marayeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Selel,”ayuu yidhi Maayarka Saylac, waxaanu intaas ku kabay

"Shilkuna wuxuu ka dhacay deegaanka degmada Saylac waxaanay isku dhaceen gaadhi weyn oo Xammuul ah waxaana deegaanka ka dhacayay dabayloo waaweyn oo sabab u noqday shilkan oo labad gaadhi isu qariyay,Degmadu ma laha wax gaadiid gurmad caafimaad ah oo aanu ku soo qaadno saraakiisha dhaawacmay mana jiro cisbitaal degmada ka shaqeeya oo aanu keenaa oo dhakhtarka magaaladu laba sanoba wuu xidhan yahay.”

Geesta kalena, gaadhigii kale ee xamuulka ahaa ee ay isku dhaceen baabuurka saraakiishani wadatay ayaanay jirin wax khasaare ah oo ka soo gaadhay shilkan.