Hillary Clinton waxa ay aqbashay in ay noqoto musharraxa xisbiga Dimuquraadiga ee doorashada madaxweynaha ee soo socta.
Waxa ay sheegtay in dalka Mareykanka inuu yahay dal hadda lagu xisaabtamo.
Ayadoo ku baaqeysa in la midoobo, waxa ay hadal ku durtay ninka ay is hayaan ee musharaxa Jamhuuriga, Donald Trump.
Waxay ku tilmaamtay in uu u maleeyo in dhibaatada dalka oo dhan keligii xallin karo.
Waxa ay tilmaamtay in dadka Mareykanka oo sida wada jir ah u shaqeeya ay mustaqbal wanaagsan u noqon karaa qofkastaa.
Mrs Clinton waxa ay sidoo kale u mahadcelisay taageerayaasheeda in musharrixii ay ku tartameen doorashada hoose ee Dimuquraadiga, Bernie Sanders.
"Donal Trump Wuxuu Moodayaa Inuu Dhibaatooyinka Dalka Ka Jira Kaligii Xallin Karo" Hillary Clinton
Hillary Clinton waxa ay aqbashay in ay noqoto musharraxa xisbiga Dimuquraadiga ee doorashada madaxweynaha ee soo socta.