Daawo: Caasimadda Nigeria Oo Xayiraadii Xijaabka Laga Qaaday, Haweenkana Loo Ogolaaday Inay Is Asturi Karaan
Maxkamada distooriga ee dalka Nigeria ayaa laashay, xayiraadii xijaabka haweenka muslimiintu qaataan,
ee muddo labo sanadood iyo dheeraad ah ka jirtay, caasimadda dalka Nigeria ee Lagos, waxaanu qaraarka Maxkamada sare ku tilmaamay xoriyad aan dhibaato iyo nacayb ku keeni doonin shacabka dalka Nigeria.
Caasimadda Nigeria ee Lagos ayaa sanadkii 2014-kii, laga mamnuucay xijaabka, waxaanu sharcigaasi dhigayay, inaan dugsiyada, jaamacadaha iyo meelaha lagu kulmo loo ogolayn haweenay xijaaban, cadho iyo dacwad ku lid ah xukunkaas oo muslimiinta iyo kooxa qunyar socodka masiixiyiintu rafcaan kaga qaateen ka dib waxa ay ku guulaysteen in xayiraadii xijaabka laga qaado haweenka ku nool caasimadda Lagos.
Daawo: Caasimadda Nigeria Oo Xayiraadii Xijaabka Laga Qaaday, Haweenkana Loo Ogolaaday Inay Is Asturi Karaan
Maxkamada distooriga ee dalka Nigeria ayaa laashay, xayiraadii xijaabka haweenka muslimiintu qaataan, ee muddo labo sanadood iyo dheeraad ah ka jirtay, caasimadda dalka Nigeria ee Lagos, waxaanu qaraarka Maxkamada sare ku tilmaamay xoriyad aan dhiba