Aqoonta Kameradda W/Q : Idiris Maxamed Jaamac

0
Thursday August 04, 2016 - 17:23:24 in by salman abdi
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonta Kameradda W/Q : Idiris Maxamed Jaamac

    Ugu Horeyn Intaynaan gudo gelin Barashada Kameradda iyo qaybaheeda kala duwan aynu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu Horeyn Intaynaan gudo gelin Barashada Kameradda iyo qaybaheeda kala duwan aynu

 si guud iskula fahano su’aalo ay isweydiin toodu tahay Muhiim.

Waa Maxay Kameraddu? Sidee Ayay u Shaqaysaa? Ma Noqon Kartaa Sawire ama Sawir qaade?
*_*
Kameraddu waa Aalad u Shaqaysa Sida Isha bani-Aadamka oo Kale isla mar ahaantaana Fududaysey hawlo badan oo Wakhti badan ku bixi lahaa ama aynaan awoodneen inaynu qabano.
Aduunkan Casriga ah Marka loo eego Waa Aaladdaha fududeeyey in Caalamku noqdo Hal Deegaan, isku furan oo kala warqaba si fududna lagu ogaan karo waxa ka dhacaya dhamaan dalalka kala duwan ee Daafaha Dunida.
*_*
Marka la barbar dhigo Isha Aadamaha Kameraddu Waxay u Shaqaysaa qaabab u dhaw Sida aynu wax ugu aragno oo kale (Inkastoo Dad samee La Maamuli karo ay tahay).
‪#‎Tusaale‬Ahaan Haddii aad Eegeyso wax kuu dhaw ama kaa fog Marba dhinicii aad Awooda Eegista Saarto Maahee waxa kale ee kugu Hareereysan, Ka dambeeya ama kasoo horeeya waxa ay Noqdaan Shucaac ama Humaag aan Si waadax ah kuugu Muuqanayn; kaas oo Afka qalaad loo Yaqaan (Focus) si gaar ahna aynu uga hadli doono.
*_*
Haa Wax waad sawiri Kartaa, Sawir qaadena waad Noqon kartaa Hadii aad Shuruudaha Lagaaga baahan yahay aad Buuxiso.
-Ugu horeyn hadii ay kaa go’an tahay Inaad ka dhabayso Hadafkaaga ah Inaad sawir-qaade noqoto, oo aanad ka caajisin wakhti badana aad geliso wax badan oo ku saabsana aad akhrido waad Noqon kartaa wax kaa hor istaagi karaana ma jiraan.
Xirafadda Sawir-qaadistu waa mid u baahan samir badan, Adkeysi, Fikir iyo Firfircooni badan si aad uga guul gaadho. Waa mid u baahan Inaad xirfad dheeraad ah u lahaato Wakhtiyada Muuqaaladda quruxda badan la heli karo gaar ahaan kuwa guud iyo kuwa sida Kediska ah (Mar la arag) lagu helo looga faaideeyo.
– Xirfaddan waxa ku lamaan Xirfado kale oo ay Muhiim tahay Inaad barato gaar ahaan qurxinta Sawirada Kala duwan Ee aad qaado
si aad Iftiinka badan uga yarayn karto, isla mar ahaantaana aad ugu kordhin karto Iftiin sawirada Madawgu ku jiro ama hadhku.



_______________Mahadsanidin__________

____________________________________


W/Q : Idiris Maxamed Jaamac (Xaaji Dahabi)