Tababaraha Cusub Ee Argentina Edgardo Bauza Oo Todobaadka Soo Socda U Duuli Doona Barcelona Si Uu Ula Kulmo Lionel Messi, Muxuuse Yahay Ujeedkiisa?

0
Friday August 05, 2016 - 10:18:21 in by Burco Office
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Cusub Ee Argentina Edgardo Bauza Oo Todobaadka Soo Socda U Duuli Doona Barcelona Si Uu Ula Kulmo Lionel Messi, Muxuuse Yahay Ujeedkiisa?

    Lionel Messi ayaa doonaya inuu wadahadal ku aadan mustaqbalkiisa xulka qaranka Argentina la yeesho macalinka cusub ee ArgentinaEdgardo Bauza sida ay fahantayGoal.com.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa doonaya inuu wadahadal ku aadan mustaqbalkiisa xulka qaranka Argentina la yeesho macalinka cusub ee ArgentinaEdgardo Bauza sida ay fahantayGoal.com.


Hogaamiyaha Barcelona ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii xulkiisa uu guuldaro kala kulmay bishii June xulka Chile kama dambesytii koobki (Copa America Conternario) ee ka dhacay dalka Mareykanka.

Tan Iyo markii uuEdgardo Bauza badalay Gerardo Martino, waxaa la isla dhexmarayaa warar xan ah oo sheegaya inuu macalinkaan cusub doonayo inuu Messi ku qanciyo kusoo laabashada xulka qaranka ka hor koobka Aduunka ee 2018.

Messi Argentina

Edgardo Bauza ayaa u duuli doona todobaadka soo socda Barcelona iyadoo Lionel Messi qudhiisa uu daneynayo inuu la kulmo taasoo rajo gaar ah galisay macalin Bauza inuu ku qancin karo kusoo laabashada xulka qaranka Argentina.

Ilo ku dhaw Messi ayaa Goal.com u sheegay in xidigaan Barcelona uusan wali go’aan ka gaarin kusoo laabashada xulka qaranka balse uu isbadal ku imaan karo marka uu la kulmo Bauza.

Wali wax xiriir ah lama sameynin Messi, ama qof qoyskiisa ka mid ah

ayuu Bauza u sheegayFox Sportstalaadadii

Fikradda ayaa kaliya timid markii aan la kulmay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee ArgentinaArmando Perez, waan safri doonaa si aan ula sheekeysto [Messi]

Ma ahan inaan wax walba ku qancinaayo isaga, kaliya waxaan kala hadli doonaa wax ku saabsan kubadda cagta.

Qaar naga mid ah oo ciyaartoyda ah ayaa wali ka murugeysan iney lumiyeen finalka. Waxaan rabaa inaan ogeysiiyo qaabka shaqadeyda. isaga kaliya maahan, balse sidoo kale ciyaartoyda kale ee waaweyn.

Ma jiro waqti badan. Hadii Messi wax walba u ogaado si cad, waana waxa ku waajib ah inuu garoonka ku sameeyo, iyo go’aanka uu qaadan doono

Ugu dambeyntiina Lionel Messi ayey Jamaahiirta Argentina rajeynayaan inuu kusoo laabto xulka qaranka isagoo 113-kulan u saftay xulka qaranka una dhaliyay 55-gool, Messi ayaa u qaaday Argentina biladda dahabka Olympicada Aduunka 2008, balse wuxuu lumiyay Sadex Copa America iyo Hal Koob Aduun.