Brazil Oo Barbaro Lagu Celiyay, Portugal Oo Garaacay Argentina & Dhamaan Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Koobka Olympicada Aduunka Ee Xalay Dhacay
Brazil ayaa dhaafi weysay iyadoo gurigeeda joogto 10-ciyaariyahan oo South Africa ah, halka Portugal ay guul weyn ka gaareen Argentina, Sidoo kalana wadamada guulaha gaaray waxaa ka mid ah Nigeria, Honduras&South Korea.
GROUP A:
Brazil U230 – 0South Africa U23
Xulka Brazil oo ciidooda lagu ciyaarayo ayaan wax guul ah gaarin markii ay wajaheen wiilasha qaaradda Africa kasoo jeeda ee South Africa, kulankii ka dhacay Rio wuxuu ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah iyadoo Kabtan Neymar uu ku fashilmay inuu soo taabto shabaqa South Africa.
Sidoo kale Ciyaarta waxaa kasoo muuqday saxiixa cusub ee Manchester City Gabriel Jesus kaas oo aan kulanka wax muuqda ka sameynin, tiiyoo ay jirto in 30-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ay South Africa ku ciyaarayeen 10-xidig markii ciyaarta laga saarayMothobi Mvala.
Dhanka kale Groupkaan A waxaa ku wada dagaalamay wadamada Ciraaq iyo Denmark kuwaas oo sida Brazil iyo South Africa waxba iska qaadi waayay iyagoo ku kala baxay barbaro gool la’aan ah 0-0.
GROUP B:
Sweden U232 – 2Colombia U23
Groupka B kulanka hore waxaa ku dagaalamay xulalka Sweden iyo Colombia oo ku kala baxay barbaro 2-2 ah, Xulka qaaradda Koonfurta America ku yaala ee Colombia ayaana barbaro helay daqiiqadahii dambe ee ciyaarta.
Teofilo Gutierrez oo ka tirsan xulka Colombia ayaa bilaabay bandhigga goolasha markii uu daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta uu gool dhaliyay, balseMikael Ishak ayaa barbaro u keenay dhamaadkii qeybta hore ciyaarta xulka Sweden, halkaAstrit Ajdarevic uu dhaliyay goolka hogaanka u dhiibay xulka ku yaala qaaradda yurub, balseDorlan Pabon ayaa daqiiqadii 75-aad rigoore gool u badalay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Nigeria U235 – 4Japan U23
South Africa ayaa gaaray guul weyn markii uu 5-4 ku garaacay xulka qaaradda Asia ka socda ee Japan ciyaar xiiso laheyd oo sagaal gool la iska dhaliyay.
Nigeria ayaa daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta daah furtay bandhigga goolashaSadiq Umar ayaana shabaqa soo taabtay, laba daqiiqo kadib waxaa rigoore ku barbareeyayShinzo Koroki daqiiqadii 9-aad.
Nigeria ayaa mar kale dhaqso ku jawaabtay iyadoo hogaanka qabatay daqiiqadii 11-aad ee ciyaartaOghenekaro Etebo ayaana shabaqa Japan gaaray, balseTakumi Minamino ayaa 2-daqiiqo kadib jawaab kulul siiyay Nigeria oo barbaro u keenay xulkiisa Japan.
Si kastaba ciyaariyahanOghenekaro Etebo ayaa sadex gool oo xiriir ah raacsaday kaas oo Nigeria si fiican hogaanka ciyaarta ugu sugay markii uu daqiiqadahii 42-aad, 51-aad iyo 66-aad goolal helay taasoo ka dhigtay in Nigeria ay 5-2 hogaanka ku qabato.
Saxiixa cusub ee ArsenalTakuma Asano ayaa daqiiqadii 70-aad rajo yar galiyay xulka Japan, halka daqiiqadii 90-aad uu gool aan waxba u tarin u dhaliyayMusashi Suzuki.
GROUP C:
Mexico U232 – 2Germany U23
Xulalka Mexico iyo Jarmalka ayaa barbardhac ku kala tagay kulankoodii ugu horeeyay kulan xiiso badnaa oo aad la isugu raftayOribe Peralta ayaa dharbaaxada bilaabay kaas oo Mexico hogaanka u dhiibay daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta, balse xidig yaraha ArsenalSerge Gnabry ayaa barbarbo u keenay qarankiisa.
Mar kale ayey Mexico hogaanka qabteen daqiiqadii 62-aad waxaana gool u dhaliyayRodolfo Pizarro, Jarmalka ayaase diiday inuu guuldaro gudoomoMatthias Ginter ayaana barbaro u keenay daqiiqadii 78-aad.
Fiji U230 – 8South Korea U23
Xulk Koonfurta Kuuriya ayaa guul weyn ka gaaray Fiji waxeyna ku badiyeen goolashii ugu badnaa ee tartankaan laga dhaliyo sanadkaan madama ay 8 gool ku xaaqeen dhigooda.
32′0 – 1Seung-Woo Ryu
62′0 – 2Chang-Hoon Kwon
63′0 – 3Chang-Hoon Kwon
64′0 – 4Seung-Woo Ryu
72′0 – 5(pen.)Heung-Min Son
77′0 – 6Hyun-Jun Suk
90′0 – 7Hyun-Jun Suk
90′0 – 8Seung-Woo Ryu
GROUP D:
Groupkaan kama dhicin wax barbaro ah madama Honduras iyo Portugal ay guulo ka gaareen Algeria iyo Argentina waana groupka ugu dambeeya.
Brazil Oo Barbaro Lagu Celiyay, Portugal Oo Garaacay Argentina & Dhamaan Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Koobka Olympicada Aduunka Ee Xalay Dhacay
Koobka Olympicada Aduunka Dhanka Kubadda Cagta Ragga ayaa xalay daaha laga qaaday iyadoo dhamaan afarta group ee tartankaan ka qeyb galaya kooxaha ku jira ay wada ciyaareen, waxaana kasoo baxay natiijooyin aan caadi aheyn.