WarDeg Deg Ah:Sadexda Musharax Ee Isugu Soo Haray Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Qaarada Yurub Oo Lasoo Saaray & Lionel Messi Oo Laga Waayay

0
Friday August 05, 2016 - 14:54:32 in by Burco Office
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WarDeg Deg Ah:Sadexda Musharax Ee Isugu Soo Haray Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Qaarada Yurub Oo Lasoo Saaray & Lionel Messi Oo Laga Waayay

    Waxaa goor dhaw lasoo saaray liiska Sadexda Musharax ee isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu fiican Yurub, balse Lionel Messi ayaa laga waayay taasoo noqotay arinta ugu xiisaha badan ee la hadal hayo waxaana isugu soo haray Ciyaartoyda kala ah: G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhaw lasoo saaray liiska Sadexda Musharax ee isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu fiican Yurub, balse Lionel Messi ayaa laga waayay taasoo noqotay arinta ugu xiisaha badan ee la hadal hayo waxaana isugu soo haray Ciyaartoyda kala ah: Gareth Bale, Cristiano Ronaldo IyoAntoine Griezmann kuwaas oo dhamaantodo wacdaro dhigay sanadkaan 2016.


Sanadahii lasoo dhaafay joornaaliistayaal ka socda 55-ta dal ee ka qeybta ah xiriirka UEFA ayaa u codeynayay liis hordhac ah oo lasoo saaray, waxaana lasoo xulay dhawaan 10-ciyaartoy oo helay codadka ugu badan, halka maanta ugu dambeyn lasoo yareeyay iyadoo lasoo magacaabay kaliya sadexda xidig ee xafladda soo xaadiri doona

UEFA BEst

Guulesytaha waxaa la magacaabi doonaa maalinta la sameyn doono isku aadka wareegga groupyada koobka Champions League-ga oo ku beegan 25-ka August xaflad ka dhici doona Monaco.

Lionel Messi ayaan xitaa booska 4-aad soo galin waxaana ka galay Luis Suarez oo helay codad ka badan taasoo ka dhigan in xiddiga reer Argentina shaki la galin karo inuu ka mid noqon karo musharaxiinta ugu dambeeya ee Ballon d’Or.

Gareth Bale wuxuu xulkiisa u hogaamiyay inuu si layaab leh u gaaro Semi Finalka Euro 2016 sidoo kalana wuxuu Real Madrid u hogaamiyo Champions League-ga.

Cristiano Ronaldo ayaa u hogaamiyay Portugal koobka Euro 2016, halka uu Bale kala siman yahay ku guuleysiga Champions League-ga.

HalkaAntoine Griezmann uu tiigsaday labada final ee Champions League iyo Euro 2016, balse wuu ku guuldareystay sidoo kalana wuxuu noqday gooldhalihii ugu sareeyay tartankii Euro 2016.

Sidee Loogu Kala Guuleystay Abaalmarintaan?

Lionel Messi (2011, 2015)

Andrés Iniesta (2012),

Franck Ribéry (2013)

IyoRonaldo (2014).

Ciyaartoydii Kale & Codadka Ay Heleen:

4Luis Suárez (Barcelona & Uruguay) – 29 points
5Lionel Messi (Barcelona & Argentina) – 25
6Gianluigi Buffon (Juventus & Italy) – 19
7Pepe (Real Madrid & Portugal) – 9
8Manuel Neuer (Bayern München & Germany) – 6
9Toni Kroos (Real Madrid & Germany) – 5
10Thomas Müller (Bayern München & Germany) – 2

Sideed U Aragtaa In Lionel Messi Uu Awoodi Waayo Sadexda Ugu Sareysa, Yaase Ku Guuleysan Kara?