Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Sabti Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkan Kaga Bogo Liiska Oo Dhamaystiran
Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxiixyo cusub.
Football Whispersoo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.
QiimayntaFootball Whispersee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxaynaSky SportsiyoFootball Whispersay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.
Subaxnimadaan Sabtia ah suuqa waxaa ugu sareeya oo 4.9 helay weeraryahanka kooxda Atletico Nacional iyo xulka ColombiaMarlos Moreno kaas oo ay goor dhaw ku dhawaaqday saxiixiisa kooxda Manchester City, kadib markii ay Football Whispers iyo Sky Sports soo saareen hadal heynta maanta ayey ku dhawaaqista timid.
Waxaan ka liidan oo booska labaad soo galay sidoo kalana helay qiimeyn dhan 4.9 Paul Pogba oo ay wali taagan tahay la xiriirinta Manchester United, inkastoo Jose shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Leicester City ku sheegay in dhawaan la dhameystiri doono.
Mathieu Debuchy oo aan looga baahneyn Arsenal ayaa isna sidoo kal 4.9 helay kaas oo si ba’an loola xiriirinayay kooxda Galatasaray ee dalka Turkia iyadoo warbixinada qaar ay sheegayaan in xidigana uu ogolaaday ku biiritaanka kooxda reer Turkey.
Shaqsiyaadka Kale ee maanta ugu hadal heynt badan suuqa hadaan soo koobno waxaa ka mid ah Riyad Mahrez oo lala xiriirinayo Arsenal, Lukaku oo lala xiriirinayo Chelsea, Lacazette oo ay dooneyso Arsenal, Jesse oo kusii jeeda Paris Saint Germain iyo Ashley Williams oo qarka u saaran inuu Everton u wareego.
Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:
Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Sabti Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkan Kaga Bogo Liiska Oo Dhamaystiran
tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Sabtiah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana lala xidhiidhinaayo kooxo cusub.