Falaqaynta Kulan Xiiso Leh Oo Dhexmari Doono Kooxaha Manchester United Iyo Leicester City.

0
Sunday August 07, 2016 - 09:54:09 in by salman abdi
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaqaynta Kulan Xiiso Leh Oo Dhexmari Doono Kooxaha Manchester United Iyo Leicester City.

    Kooxda kusoo guuleystay horyaalka Ingiriiska ee Leicester City Iyo kooxdii kusoo guuleystay koobka FA Cupka xagaagii lasoo dhaafay ayaa caawa ku dagaalami doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kusoo guuleystay horyaalka Ingiriiska ee Leicester City Iyo kooxdii kusoo guuleystay koobka FA Cupka xagaagii lasoo dhaafay ayaa caawa ku dagaalami doona

 garoonka Wembley Stadium kama dambeysta koobka FACommunity Shield.

Red Devils & Leicester City kulamadii fasaxa uma wanaagsaneen madama labadooda ay guuldarooyin foolxun kasoo qaateen Dortmund Iyo PSG, balse markaan waxey gogol xaaranayan xili ciyaareedka cusub ee 2016-2017.

FA-Community-Shield

Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan Iyo Eric Bailly ayaa safan doona kulankooda ugu horeeya ee Red Devils tartamada caalamiga ah caawa marka ay Wembley ku ciyaaraan sidoo kalana Leicester City waxaa garoonka usoo gali doona Mendy oo ay dhawaan kala soo wareegeen kooxda Nice ee horyaalka France.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Leicester City vs Manchester United

Tartanka:FA Community Shield (FINAL)

Garoonka:Wembley Stadium

Saacadda:6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore:Craig Pawson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Jamie Vardy ayaa shaki la galinayay inuu safto kulankaan, balse ugu dambeyntii Renieri ayaa xaqiijiyay inuu xidigaan diyaar u yahay ciyaarta maanta madama uu 45-daqiiqo ciyaaray kulankii Barcelona.

Mourinho ayaa koox adag ku wajahi doona Leicester City isagoo is daba dhigi doona Wayne Rooney Iyo Zlatan Ibrahimovic oo aad isku fahmay kulamadii ay isla ciyaareen.

Timothy Fosu-Mensah ayaa waqti dheer ku maqnaan doona dhaawac kubka kasoo gaaray, balse Smalling ayaa ciyaari kara qeyb ka mid ah ciyaarta kadib markii uu tababarka kusoo laabtay.

Bastian Schweinsteiger ayaana kulankaan ciyaari doonin madama uu Mourinho ka saaray kooxdiisa, waxaana la filayaa inuu kooxda isaga tago.

MA OGTAHAY:

Waa markii ugu horeysay oo ay Leicester City kasoo muuqaneyso Finalka FA Community Shield tan iyo 1971/72, markaas oo ay 1-0 ku garaaceen Liverpool kulan ka dhacay Filbert Street. Foxes ayaa kusoo guuleystay horyaala heerka labaad markaas xagaagii ka horeeyay.

Manchester United waxey u tahay markii 30-aad oo ay ka qeyb galeyso finalka tartankaan, waxeyna horay ugu guuleystay 20-jeer.

Red Devils ayaa ku guuleysatay Community Shield shan jeer, lixdii jeer ee ugu dambeysay oo ay kasoo muuqato (2007/08 iyo 2008/09 rigooreyaal ayey ku qaaday, sidoo kalana, 2010/11, 2011/12 iyo 2013/14) ayey qaaday.

Markii ugu dambeysay oo ay Leicester City ku ciyaarto Wembley waxey aheyd February 2000, kulan ay 2-1 ku garaaceen Tranmere markaas oo ay ku guuleysteen koobka League Cupka.

United ayaa guuleysatay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay Wembley tan iyo markii ay ku lumisay Finalkii Champions League-ga 2011, markaas oo ay qasaaro 3-1 kala kulmeen Barcelona.

Halka Kulan ee tariikhda la xasuusto oo ay Leicester Iyo Man United horay ugu wada ciyaareen Wembley waxey aheyd Finalkii FA Cupka 1963-dii markaas oo ay Red Devils 3-1 koobka ku qaaday.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay hal gool sidoo kalana caawiyay mid kale, sadex kulan oo uu matalayay England oo ku ciyaaraya garoonka Wembley.

Zlatan Ibrahimovic waligiis hal jeer ayuu ku ciyaaray Wembley waana kulan ay Sweden qasaaro 1-0 ah kala kulmeen Englnad November 2011.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Leicester XI:Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Albrighton, Drinkwater, King, Mahrez; Ulloa, Vardy

Man United XI:De Gea; Valencia, Bailly, Blind, Shaw; Herrera, Carrick; Mkhitaryan, Rooney, Martial; Ibrahimovic.