Xulka Brazil Oo Mar Kale Barbaro La Galiyey Xilli Neymar Uu Ku Fashilmay Inuu Xulkiisa Guul Uga Keeno Xulka Ciraaq

0
Monday August 08, 2016 - 11:21:12 in by Burco Office
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Brazil Oo Mar Kale Barbaro La Galiyey Xilli Neymar Uu Ku Fashilmay Inuu Xulkiisa Guul Uga Keeno Xulka Ciraaq

    Brazil ayaa mar kale jahawareer gashay markii ay barbaro gool la'aan ah la galeen xulka Ciraaq kulan ka tirsan koobka Olympicada Aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brazil ayaa mar kale jahawareer gashay markii ay barbaro gool la'aan ah la galeen xulka Ciraaq kulan ka tirsan koobka Olympicada Aduunka.



Neymar Junior oo ah hogaamiyaha xulka Brazil ayaa awoodi waayay inuu kala dhantaalo daafacii shabakadda ahaa ee Ciraaq iyadoo barbaro labaad ay aqbaleen wiilasha martigalinaya tartanka.

Kulankii furitaanka waxey barbaro la galeen xulka South Africa oo qeybahii dambe ku ciyaarayay 10-ciyaartoy, balse mar kale ayey ku hor kufeen Ciraaq taasoo ka dhigan iney afar dhibcood qasaariyeen laba kulan.

Neymar, Gabriel Jesus Iyo Marquinhos ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu waaweyneyd ee kasoo muuqday Brazil balse waxaa wajahay wiilal adag oo si fiican goolkooda u difaacday.

Si kastaba xulka Ciraaq ayaa gacmaha is qabsaday iyagoo u dabaal dagay barbaraha ay ka heleen xulka Brazil taasoo wadna qabad ku noqotay taageerayaasha martiga loo yahay.

Brazil kulankeeda ugu dambeeya waxey wajahi doontaa xulka Denmark, halka Ciraaq ay wajahi doonaan xulka South Afrika.