Booliiska Dalka Sacuudiga oo Rasaas ay la beegsadeen Dhalinyaro Soomali ah ku diley Hal qof kuna dhwacay mid kale

0
Monday February 17, 2014 - 12:13:35 in by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Dalka Sacuudiga oo Rasaas ay la beegsadeen Dhalinyaro Soomali ah ku diley Hal qof kuna dhwacay mid kale

    Booliiska Dalka Sacuudiga oo Rasaas ay la beegsadeen Dhalinyaro Soomali ah ku diley Hal qof kuna dhwacay mid kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Dalka Sacuudiga oo Rasaas ay la beegsadeen Dhalinyaro Soomali ah ku diley Hal qof kuna dhwacay mid kale

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Jeddah ee dalkaasi Sacuudi Carabiya Booliiska dalkaasi ayaa toogtay labo ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo iskudayay inay ka baxsadaan ciidanka Booliiska.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Jeddah ee dalkaasi Sacuudiga, iyadoo labadaan ruux ee Soomaalida markii ay iska soo horbaxeen Booliiska ay isku dayeen inay cararaan, balse Booliiska Sacuudiga ay rasaas ka dabarideen.

Labada ruux ee Soomaalida mid kamid ayaa durba ku geeriyooday rasaastii lagu riday, iyadoo midkii kale dhaawac ahaan goobta looga qaaday, balse uu geeriyooday kolkii dambe.

Qof kamid ah Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamada ay shalay dadkaan dileen, xilli ay rabeen in dadkaan ay baxsadaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa waayahan dambe waday tarxiilka ay ku hayaan dadka Soomaalida ah, waxaana ay kumannaan qof ka soo dejisay magaalada Muqdisho kuwaasi oo dalka Sacuudiga laga soo tarxiilay



Afkashacabka.c.om

Muqdisho/Office