Cristiano Ronaldo Iyo Pep Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdood Maalin Kadib Markii Ay Madrid Ku Soo Guulaysatay UEFA Super Cupka

0
Thursday August 11, 2016 - 09:02:13 in by Burco Office
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Iyo Pep Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdood Maalin Kadib Markii Ay Madrid Ku Soo Guulaysatay UEFA Super Cupka

    Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dib u helay Cristiano Ronaldo iyo Pepe oo ugu danbayn ka soo laabtay fasixii dheeradka ahaa ee laga siiyay Euro 2016. Crisitano Ronaldo ayaa ka shaqaynaya sidii uu uga soo kabsan lahaa dhaawicii ku soo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dib u helay Cristiano Ronaldo iyo Pepe oo ugu danbayn ka soo laabtay fasixii dheeradka ahaa ee laga siiyay Euro 2016. Crisitano Ronaldo ayaa ka shaqaynaya sidii uu uga soo kabsan lahaa dhaawicii ku soo gaadhay finalkii Euro 2016 ee xulka qarankiisu ay koobka kaga qaadeen France.


Zidane ayaa tababarka kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay Ronaldo iyo Pepe, waxayna haddaba dib u bilawdeen tababarka ay kaga shaqaynayaan in ay ugu diyaar garoobaan xili ciyaareedka cusub.Iyada oo bilawga xili ciyaareedka cusub ee La Ligaha ay ka hadhsan tahay in ku dhaw laba todobaad ayaa haddana la filayaa in Zidane uu sii aamini doono ciyaartoydii UEFA Super Cupka uu kula soo guulaystay isla markaana uu fursad soo kabsasho siin doono xidigaha fasaxa ku soo raagay.

Ronaldo and Pepe

Gareth Bale iyo Toni Kroos oo todobaadkan dib ugu soo laabtay tababarka Madrid ayaan qayb ka ahayn kooxdii Los Blancos ee dalka Norway ku soo garaacday Sevilla ee markii saddexaad ku soo guulaystay koobka UEFA Super Cupka.Bale

Gareth Bale iyo Toni Kroos ayaa si wayn uga shaqaynaya in ay taam buuxa u noqdaan kulamada furitaanka La Ligaha ee xili ciyaareedka cusub ee 2016/17.

Kroos

Ronaldo ayaa la filayaa in uu madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu kala xaajoon doono mustaqbalkiisa sida uu hore u cadeeyya markii uu fasaxa ku maqnaa. Ronlado ayaa si cad u sheegay in uu heshiis cusub saxiixi doono marka ay wada hadlaan Perez.Ronaldo1

View image on TwitterView image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter

      </div>
    <div class=