Brazil Oo Xasuuqday Denmark Xilli Wiilasha Seleção Ay Soo Afjareen Foolxumadii Ay Ku Bilaabeen Koobka Olympic-ada Aduunka

0
Thursday August 11, 2016 - 09:46:27 in by Burco Office
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Xasuuqday Denmark Xilli Wiilasha Seleção Ay Soo Afjareen Foolxumadii Ay Ku Bilaabeen Koobka Olympic-ada Aduunka

    Xulka Brazil ee ka qeyb galaya koobka Olympic-ada Aduunka ayaa xalay gaaray guul weyn markii ay 4-0 ku garaacen dhigooda Denmark kulankii ugu dambeeyay wareega groupyada, waxeyna taas ka saaciday iney kaalinta 1-aad kaga soo baxaan groupka A.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Brazil ee ka qeyb galaya koobka Olympic-ada Aduunka ayaa xalay gaaray guul weyn markii ay 4-0 ku garaacen dhigooda Denmark kulankii ugu dambeeyay wareega groupyada, waxeyna taas ka saaciday iney kaalinta 1-aad kaga soo baxaan groupka A.


Brazil ayaan wax gool ah dhalin labadii kulan ee ugu horeeyay tartanka oo ay la ciyaareen South Africa iyo Iraq, taaso keentay in Jamaahiirta Brazil ay ku oriyaan ciyaartoydooda, balse wax walba waxey saxeen xalay markii ay ku fataheen shabaqa Denmark.

Brazil Win

25-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxey u aheyd murugo madama aysan wax gool ah helin waxeyna qof walba hamisay iney tahay wixii dhici jiray kulamadii ugu dambeeyay, balseGabriel Barbosa ayaa soo afjaray abaartii goolasha ee Brazil markii uu gool hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta.

Mar kale ayey Brazil shabaqa tiigsadeen waxaana goolkii labaad ay uga mahad celinayaan saxiixa cusub ee kooxda Manchester CityGabrielJesus, qeybtii labaad markii la isku soo laabtay ayey Brazil heshay gool sadexaad waxaana ansixiyayLuan ka hor inta uusan goolka afaraad daqiiqadii 80-aad kusoo xirin Gabriel Barbosa.

NATIIJOOYINKII KALE EE KOOBKA OLYMPIC-ADA:

South Africa Iyo Iraq ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah taasoo fursad fiican siisay xulka Denmark oo si fudud kaalinta labaad ee groupka ugu soo baxay.

Dhanka kale Colombia ayaa guul kusoo xiray kulamada groupka markii ay 2-0 ku dubteen Nigeria kulan ka tirsan groupka B, halka Japan ay gool dirqi ah ku dhaafeen xulka Sweden, waxeyna taas sahashay in xulalka Colombia iyo Nigeriaay si fudud groupkaas uga soo baxaan.

Jarmalka waxe y 10 gool ku dhufteen xulka tababarta yar ee Fiji, halka Koonfurta Kuuriya ay gool iyo waxba kaga farxasheen Mexico, Groupka C waxaa si fudud uga soo baxay wadamada Jarmalka iyo Koonfurta Korea.

Ugu dambeyntiina Argentina ayaa tartanka ka hartay markii ay barbaro la dhaafi waayeen Honduras, halka Portugal ay soo baxeen balse ay barbaro la galeen Algeria, Portugal waxaa usoo bixitaanka Quarter Finalka ku wehliya Hondugas.