Guddoomiyey Cirro oo Fadhiyadii Aqalka Wakiilada Mar kale dib u riixay iyo Sababta keentay?

0
Monday February 17, 2014 - 12:28:15 in by Super Admin
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyey Cirro oo Fadhiyadii Aqalka Wakiilada Mar kale dib u riixay iyo Sababta keentay?

    Guddomiye Cirro ayaa ku war geliyay Golaha Wakiilada in uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiye Cirro ayaa ku war geliyay Golaha Wakiilada in uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno.


Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro  ayaa fadhigii Golahaasi oo loogu balansanaa Maalinta Berri ah dib u dhigay, ka dib markii ay golaha Guurtidu codsi u soo direen, Codsiga Golaha Guurtida oo uu ku saxeexnaa Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida,ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali. ayaa udhignaa Sida qoraalka hoos kaaga muuqda

Gddomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo dabo socda codsigaasi ayaa ku war geliyay Golaha Wakiilada in uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno.

Waxaana Shabakada Afkashacabka.com ay heshay jawaabtii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cirro ka bixiyay Codsigaasi uga yimid Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida ahna ku simaha Guddoomiyaha Guurtida, waxaanu qoraalkasi jawaabta ah ku yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu sidan hoos ku qoran:

HALKAN HOOSE KA AKHRI QORAALKA CODSIGA AH EE GUURTIDA IYO JAWABTA CIRRO