Ciyaar Xiiso Badan Oo Caawa Dhex Mari Doona Kooxaha Chelsea Iyo West Ham.

0
Monday August 15, 2016 - 10:54:18 in by Burco Office
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar Xiiso Badan Oo Caawa Dhex Mari Doona Kooxaha Chelsea Iyo West Ham.

    Antonio Conte ayaa caawa kooxdiisa cusub ee Chelsea hogaamin doona kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Conte ayaa caawa kooxdiisa cusub ee Chelsea hogaamin doona kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska marka

ay kooxdiisa garoonka galbeedka London ku yaala ee Stamford Bridge kusoo dhaweyso kooxda ay magaalo xifaaltanka yahiin ee West Ham.

chelsea-west-ham-united-monday-night-football-mnf-badges-graphic_3762997-609x343

Blues ayaa dooneysa iney guul ku bilowdo isla markaana ay iska ilowdo wixii dhacay xagaagii lasoo dhaafay markaas oo ay ku dhacday sheeko aan u fiicneen iney xasuustaan, waxeyna wax badan ka filayaan saxiixyadooda cusub Michy Bashtuayi iyo N’Golo Kante oo ay macquul tahay iney fursad helaan kulanka caawa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Chelsea vs West Ham

Tartanka:Premier League

Garoonka:Stamford Bridge

Saacadda:10:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore:Anthony Taylor (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Ma Jiro dhaawac dhawaan soo gaaray xidigaha Chelsea marka laga reebo in Blues uu wali dhaawac ka yahay Kourt Zouma oo kasoo kabsanaya dhaawac jilibka kasoo gaaray xagaagii hore.

Dhanka kale West Ham macalinkeeda Slaven Bilic ayaa shaaca ka qaaday in Dimitri Payet uusan diyaar u aheyn inuu ciyaaro ciyaarta oo dhan, basle uu qeyb ka qaadan doono, sidoo kale saxiixyada cusub ee kooxdaAyew iyoMasuaku ayaa iyaguna shaki la galinayaa iney ciyaaraan.

Aaron Cresswell iyoManuel Lanzini oo ka mid ahaa xidigahii ugu muhiimsanaa Hammers xagagii lasoo dhaafay ayaa dhaawacyo jilibka ah ku seegaya ciyaartaan halka xidigii hore ChelseaGokhan Tore uu isna tababarka kusoo laabtay.

MA OGTAHAY:

Chelsea wax guuldaro ah sooma gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada Premier League gurigeeda Stamford Bridge kula ciyaarta West Ham United (7-guul 3-barbaro). Markii ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku lumiso ciyaar ay ka hor jeedo West Ham oo lagu ciyaarayo Stamford Bridge waxey aheyd September 2002 markaas oo lagu garaacay (2-3).

West Ham wax guuldaro ah kalama kulmin Chelsea kulamadaPremier League xagaagii lasoo dhaafay (1-guul 1-barbaro); waana markii ugu horeysay oo ay sidaas sameyso Hammers tan iyo 2002-03.

Chelsea wax guuldaro ah sooma gaarin 13-kii xili ciyaareed ee ugu dambeysay oo ay kulamada furitaanka ku ciyaarto gurigeeda Stamford Bridge (10-guul 3-barbaro).

Antonio Conte ayaa kaliya guuldaro la kulmay hal jeer 30-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu tababare ahaa kulamada horyaalka(27-guul 2-barbaro 1-guuldaro).

Diego Costa ayaa dhaliyay shan gool (Todoba Kulan) oo horyaalka Premier League-ga kuwaas oo la ciyaaraybisha August tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda.

Dimitri Payet ayaa gacan ka geystay 11-gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kasoo muuqdo kulamada horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedkii 2015-16 (Sadexgool, Sideed Caawin).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Ivanovic, Terry, Cahill, Azpilicueta; Kante; Willian, Oscar, Matic, Hazard; Costa

West Ham United:

Adrian; Antonio, Reid, Ogbonna, Masuaku; Kouyate, Nordtveit, Noble; Feghouli, Carroll, Ayew