Dalalka Ghana Iyo Italy Oo Ku Dhawaaqay Xulal kooda Koobka Aduunka Ee Kama Danbaysta Ah..

0
Monday June 02, 2014 - 18:40:30 in by Super Admin
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Ghana Iyo Italy Oo Ku Dhawaaqay Xulal kooda Koobka Aduunka Ee Kama Danbaysta Ah..

    Tababaraha xulka Ghana Kwesi Appiah ayaa shaaca ka qaaday 23 ciyaartoy ee xulka Ghana uga qayb galaya koobka aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha xulka Ghana Kwesi Appiah ayaa shaaca ka qaaday 23 ciyaartoy ee xulka Ghana uga qayb galaya koobka aduunka.

Xulkan Ghana waxaa ku jira 16 ciyaartoy ooh ore uga soo qayb qaatay koobka aduunka waxaana ka mid ah kabtankooda Asamoah Gyan iyo Sulley Muntari oo markii saddexaad oo isku xigta diyaar u ah halka Jonathan Mensah, Michael Essien, Kwadwo Asamoah, Andre Ayew iyo Kevin-Prince Boateng ay dhamaantood diyaar u yihiin markii labaad inay ka qayb galaan koobka aduunka.

Liiska ciyaartoyda Ghana ee Koobka aduunka ka qayb galaya:

Goolwalayaasha:Fatau Dauda (Orlando Pirates), Adam Kwarasey (Stromsgodset), Stephen Adams (Aduana Stars)

Difaaca: Samuel Inkoom (Platanias), Daniel Opare (Standard Liege/Porto), Harrison Afful (Esperance), John Boye (Rennes), Jonathan Mensah (Evian), Rashid Sumalia (Mamelodi Sundowns)Dhexda: Michael Essien (AC Milan), Sulley Muntari (AC Milan), Rabiu Mohammed (Kuban Krasnodar), Kwadwo Asamoah (Juventus), Emmanuel Agyemang-Badu (Udinese), Afriyie Acquah (Parma), Christian Atsu (Vitesse), Albert Adomah (Middlesbrough), Andre Ayew (Marseille), Mubarak Wakaso (Rubin Kazan)

Weerarka: Asamoah Gyan (Al Ain), Kevin-Prince Boateng (Schalke 04), Abdul Majeed Waris (Valenciennes), Jordan Ayew (Sochaux)


Xulka qaranka Italy waxaa ka maqan Rossi oo dhaawacyo kumaqnaa bilo, ciyaaryahankaan ayaan lagusoo darin xulka qaranka Italy, Giuseppe Rossi ayaa markii labaad seegi doono koobka adduunka, 27 jirkaan ayaa afar sano kahor laga saaray xulka qaranka taas oo dood dhex dhigtay ciyaaryahanka iyo tababare Marcello Lippi.

Dhanka kale Riccardo Montolivo ayaa dhaawac kaga maqnaan doono Italy koobka adduunka, kadib jabniin lugta ah oo kasoo gaaray kulan saaxiibtinimo oo udhexeeyay Italy iyo Ireland, dhaawaca Montolivo ayaa qaadan karo afar ama seddex bilood.

Xulka Italy:Goolhayeyaal:Gianluigi Buffon, Salvatore Sirigu, Mattia Perin.

Daafacyo:Ignazio Abate, Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Matteo Darmian, Mattia De Sciglio, Gabriel Paletta.

Khad Dhexe:Alberto Aquilani, Antonio Candreva, Daniele De Rossi, Claudio Marchisio, Thiago Motta, Marco Parolo, Andrea Pirlo, Marco Verratti.

Weerar:Mario Balotelli, Antonio Cassano, Alessio Cerci, Ciro Immobile, Lorenzo .




Afkashacabka.com / Sports


Contact@afkashacabka.com