Maxaa Inaga Hor Taagan Gaadhitaanka Horumarka?! (Q. 1 Aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
Sunday August 21, 2016 - 08:24:15 in by salman abdi
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Inaga Hor Taagan Gaadhitaanka Horumarka?! (Q. 1 Aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

    Maxaa sabab u ah in aynu gaadhi wayno horumar lagu tanaado? Ma jiraan qawaanin kawni ah iyo waddooyin uu Alle dhigay adduunkan si aynu u horumarno?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa sabab u ah in aynu gaadhi wayno horumar lagu tanaado? Ma jiraan qawaanin kawni ah iyo waddooyin uu Alle dhigay adduunkan si aynu u horumarno?


Se, maxa inaga hor taagan in aynu marno waddooyinka horseedka u ah horumarka? Muxuu se xalku noqon karaa?

Alle SWT waxa uu adduunkan dhigay qawaaniin kawni ah iyo waddooyin sugan oo aan is beddelayn ilaa inta uu adduunku ka dhammaanayo. Alle quraankiisa waxa uu ku leeyahay:62

"Heli maysid cid baddasa waddooyina Ilaahay, Heli maysid cid xawisha waddooyinka Alle”Suuradda Al-Axsaab; Aayadda 62

 "Cidna ma badali karto abuuurta Ilaahay”Suuradda Ar-ruum; Aayadda 30

Tusaale ahaan, qawaaniinta kawniga ah waxa ka mid ah Qaanuunka Cuf-is-jidadka "Gravitational law”.  Shay kasta oo kor loo tuuro dhulka ayuu ku so noqdaa. Haddii aan qalin kor u tuuro dhulka ayuu ku soo laabanayaa. Sidaas ayayna ahaan doonta ila inta uu Qiyaamahu ka dhacayo. Qawaaniinka kawniga ah waxa kale oo ka mid ah, in ay cadceedu ka soo baxdo bari galbeedna ka dhaxdo; dayaxuna daba guuro. Waxa kale oo ka mid ah in uu hoos u dhac bilaabo wax kasta oo kordha dhaqaale ahaan, awood ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Wey suganyihiin ismana badalaan habka uu adduunkani u shaqeeyo. Haddii ay gad-gaddoomi lahaayeen, waxa inaga lumi lahayd filashada iyo qiyaasta, nolosheenuna may sugnaateen. Waxa uu Alle quuraankisa ku leeyahay

 "Waxa uu idiin sakiray cir iyo dhul waxa ku sugan”Suuradda Jaathiya; Aayadda 13

Hadaba, Ilaahay wuxu ina faray helitaanka qawaaniinta Ilaahiga ah ee uu adduunku ku kala socdo. Waxa uu inna amray in aynu samaysno cilmi-baadhisyo la xidhiidha habka uu kawnkani u shaqeeyo. In badan ayuu Ilaahay Quraanka dhexdiisa ku soo cel-celiyay aayado ina faraya arrintaas.

Quraanka dhexdiisa ayuu Ilaahay inaga farayaa in aynu la nimaadno baadhitaan, fiirfiirsi, ka fikirid iyo caqli-weelaynba si aynu habka uu adduunkani u shaqeeyo. Haddii aynu cilmi-baadhis samayno, waxa inoo soo baxaysa qawaaninta kawniga ah ee sugan iyo waddooyinka saxda ah ee ay tahay in la maro si shay kasta loo fuliyo sida ugu hufan.

Sidaa daraadeed, aqoontaba waxa la odhan karaa waa cilmi-baadhisyo tiro badan oo lagu sameeyay habka uu aduunkani u shaqeeyo kaas oo lagu dabaqay dhammaan nolol-maalmeedkeenna oo dhan. Markii lagu qancay in ay sidii saxda ahayd tahayna lagu kaydiyay buugaag. Aqoonyahankuna waxa weeyaan qofka fahmay, bartay amaba diraaseeyay qayb ka mid ah qawaaniinka kawniga ah ee aan is badalin. Tusaale ahaan, dhakhtarku wuxu bartay hab-shaqada jidheed ee sugan ee an is bad-badlin, xanuunada ku dhaca iyo sidii loo dawayn laha. Haddii hab-dhismeedyada jidhka iyo dheecanadu ay ahaan lahaayen qaar is bed-bedlaa, qofna dhakhtar muu noqdeen. Marka waxa la odhan karaa, dhakhtarku wuxu fahmay qaanuun kawni ah oo aan is badalayn kaas oo ah hab-shaqada jidhka. Sida oo kale, uga qiyaas qaado tusaalahan dhammaan takhasusaaska kale ee cilmiyaysan: Dhaqaalayahanka, Ingineerka, Duuliyaha iyo kuwa kale.

Ahmed Ali <axmadiya@gmail.com