Orodyahan MO Farah Oo Mar Kale Ku Guuleystay Biladda Dahabka Orodka 5 Kun Mitir

0
Sunday August 21, 2016 - 10:20:06 in by Burco Office
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahan MO Farah Oo Mar Kale Ku Guuleystay Biladda Dahabka Orodka 5 Kun Mitir

    Orodyahanka reer Britain ee Asal Soomaaliga ah MO Farah ayaa mar kale hantay biladda dahabka 5 kun Mitir waana biladii labaad oo dahab ah oo la gudoonsiiyay mudada tartanka Rio 2016 madama uu horay ugu guuleystay biladaha dahabka orodka 10 kun Mitir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka reer Britain ee Asal Soomaaliga ah MO Farah ayaa mar kale hantay biladda dahabka 5 kun Mitir waana biladii labaad oo dahab ah oo la gudoonsiiyay mudada tartanka Rio 2016 madama uu horay ugu guuleystay biladaha dahabka orodka 10 kun Mitir.


MO Farah ayaa noqday orodyahankii labaad ee taariikhda tartankaan difaacda laba biladood madama uu sidoo kale bilado dahab ah ka qaatay orodka 5 kun Mitir iyo 10 kun Mitir tartankii Olympic-ada Aduunka ee ka dhacay London sanadkii 2012.

MO Farah

Wuxuu noqday orodyahankii ugu biladaha badnaa ee British ah taariikhda madama uu heysto afar bilad oo dahab ah isagoo hantay labadii tartan ee ugu dambeeyay.

Si Kastaba Guusha MO Farah ayaa mid ah ay ku wada farxeen dadka British-ka ah iyo dadka Soomaaliyeed, waana kaliya guusha ay wadaageen tartanka Rio niyad ahaan.