Hordhac: Real Sociedad vs Real Madrid – BBC Oo Aan Wada Ciyaari Karin & Zidane Oo Doonaya Inuu Guul Ku Bilaabo Xili Ciyaareedka Cusub

0
Sunday August 21, 2016 - 10:22:30 in by Burco Office
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Sociedad vs Real Madrid – BBC Oo Aan Wada Ciyaari Karin & Zidane Oo Doonaya Inuu Guul Ku Bilaabo Xili Ciyaareedka Cusub

    Tababare Zidane ayaa hogaaminaya Real Madrid kulankii ugu horeeyay kulamada furitaanka La Liga madama uu xili ciyaaredkii hore kusoo dhex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Zidane ayaa hogaaminaya Real Madrid kulankii ugu horeeyay kulamada furitaanka La Liga madama uu xili ciyaaredkii hore kusoo dhex
dhacay horyaal meel dhexe maraya, balse markaan wuxuu doonayaa inuu si buuxa u dagaalamo inkastoo uu ciyaartoy muhiim ah waayay kulanka furitaanka.

real-sociedad-real-madrid-ratings

Los Blancos sanadahii ugu dambeeyay wey ku fashilantay iney ku guuleysato La Liga waxaana ugu dambeysay 2011-2012 markaas oo uu u qaaday Jose Mourinho, afartii xili ciyaareed ee ka dambeysayna sadex ka mid ah Barcelona ayaa ku guuleystay halka midka kalana ay qaaday Atletico Madrid.

Zidane ayaana xooga saari doona inuu abaarta kooxdiisa ka heysata dhankaas soo afjaro xagaagan sidoo kalana kooxda waxey isha ku heysaa iney difaacato koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka:Real Sociedad vs Real Madrid

Tartanka:La Liga (Week 1)

Garoonka:Anoeta Stadium

Saacadda:9:15 Habeenimo (XGA)

Garsoore:Juan Martinez (Spain)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood:

La Real kooxda lagu neynaaso ayaa weyneysa xidigooda ugu muhiimsanImanol Agirretxe kaas oo dhaawac ku seegi doona ciyaaraan. Juanmi ayaana kusoo bilaaban kara dhanka weerarka.

Daafaca dhexeInigo Martinez ayaa rajeynaya inuu kusoo bilowdo inakstoo uu dhibaato dhaawac yar qabo, sidoo kalana waxaa aad loo hadal hayaa inuuGeronimo Rulli goolka kusoo bilaaban doono.

Real Madrid waxaan taam buuxa u aheyn weeraryahanada BBC-da loo yaqaano kaliya Bale ayaana kasoo muuqan kara ciyaartaa kaas oo lagu daray liiska ciyaartoyda u safartay Sociedad waxaana dhaawacyo looga reebay Ronaldo iyo Benzema.

Sidoo kale Real Madrid waxey kulankaan weyneysaa Keylor Navas, Pepe iyo Luka Modric oo ganaax ku seegaya kulankaan.

Wiilasha da’da yar Alvaro Morata iyo Marco Asenio ayaa fursad fiican heli doona caawa kuwaas oo ka faa’ideysan doona maqnaashiyaha Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo iyagoo Bale la wadaagi doona weerarka.

Dhanka kale James Rodriguez ayaa laga yaabaa inuu fursad helo madama uu kooxda ganaax kaga maqanaan doono Luka Modric kulanka caawa.

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Real Madrid ayaa guul gaartay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa badisay 13-kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo wajahdayReal Sociedad dhamaan tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan 2-gool, 11-ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaarto La Liga.

Shaxda Macquulka Ah:

Real Sociedad:

Rulli; Yuri, Martínez, Elustondo, Zaldúa; Bergara, Illarramendi; Zurutuza, Oyarzbal, Vela; Juanmi

Real Madrid:

Casilla; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, James; Bale, Morata, Asensio