Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Soo Gaadhay Watford

0
Sunday August 21, 2016 - 10:28:31 in by Burco Office
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Soo Gaadhay Watford

    Kooxda Chelsea ayaa dirqi kaga badbaaday guudlaro iyada oo Waford ku sigatay in ay Blues ka yaabsato laakiin laba gool oo deg deg ah oo ay kala dhaliyeenMichy Batshuayi iyo Diego Costa ayaa qalbi jabiyay kooxda martida loo ahaa ee Watford oo Blues go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa dirqi kaga badbaaday guudlaro iyada oo Waford ku sigatay in ay Blues ka yaabsato laakiin laba gool oo deg deg ah oo ay kala dhaliyeenMichy Batshuayi iyo Diego Costa ayaa qalbi jabiyay kooxda martida loo ahaa ee Watford oo Blues gool kaga hormartay.

Saxiixa cusub eeMichy Batshuayi ayaa kursiga kaydka ka soo kacay si uu Antonio Conte iyo kooxdiisa ugu keeno goolka rajadooda soo celiyay ee barbaraha laakiin Diego Costa ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah Blues u horseeday guusha isaga oo markale goolka dhaliyay waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta, waxayna Blues guushan ku soo gaadhay 2:1.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Watford XI (3-5-2):Gomes; Catchart, Prodl, Britos; Amrabat, Guedioura, Behrami, Capoue, Holebas; Ighalo, Deeney.

Kaydka:Pantilimon, Hoban, Nyom, Doucoure, Anya, Zuniga, Vydra.

Chelsea XI (4-2-3-1):Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Matic, Kante; Pedro, Oscar, Hazard; Costa.

Kaydka: Begovic, Aina, Chalobah, Loftus-Cheek, Fabregas, Moses, Batshuayi.

Qaybta hore ee kulankan ayaa ahayd mid lagu caajisay isla markaana ay labada kooxood awoodi waayeen in ay abuuraan fursad cadaan ah oo goolal lagu dhalin karo inkasta oo ay kubbado badan la hortageen goolka. Kooxda martida loo ahaa ee Watfrod ayaa aad ugu xooganayd dhinaca difaaca waxayna Blues u diiday in ay samayso fursado xaqiiqi ah.

Inkasta oo aan qaybta hore ee kulan laga filayn in uu labada kooxood ay qaybta hore ku kala bixi doonaan barbaro gool la’aan ah ayay haddana taxadarka badan ee ay muujinayeen keentay in qaybta hore ee kulankani ay noqoto mid ayna jamaahiirta labada kooxood ku raaxaysan.

Labada goolhaye kooxaha Chelsea iyo Watfrod ayaan wax halis badan ah arag inkasta oo Costa uu dadaal badan ku bixinayay in uu kooxdiisa u keeno goolka furitaanka oo aad ugu adkaaday balse ugu danbayn qaybta hore ee kulankan ayaa ku dhamaatay babraro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna labada tababare wax isbadal ah ku samayn shaxahooda waxayna dib ugu laabteen isla shixihii ay qaybta hore isku mari waayeen. Watford ayaa kalsooni fiican ka heshay qayabta hore waxayna qaybta danbe u muuqatay in ay dhibaato u keeni karto Blues.

DAQIIQADII 55 AAD GOOOOOOL!Kooxda martida loo ahaa ee Watford ayaa ugu danbayn meesha ka sartay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa waxaana goolka furitaanka Watfrod u dhaliyay Etienne Capoue kaas oo kubbad caawin fiican ka helayAdlène Guédioura, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Watfrod hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

The Belgian stopper and Chelsea captain could only watch as the midfielder's fierce effort nestled in the back of the net

Chelsea ayaa markeeda bilawday in ay ka dagaalanto goolka looga hormaray waxayna si xoogan u raadinaysay goolka barabaha. Antonio Conte ayaa kooxdiisa cadaadis ku saaray in ay sameeyaan soo laabasho isla markaana ay natiijada ciyaarta dhigana kale u dhigaan. Waxaana bilawday qorshe cusub iyo dar dar aan caadi ahayn.

DAQIIQADII 80 AAD GOOOOOOOOL!Chelsea ayaa ugu danbayn hurdada ka kacday waxayna heshay goolkeeda furitaanka waxayna uga mahad celinaysaa saxiixa cusub eeMichy Batshuayi kaas oo inta uu kaydka ka soo kacay kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro ay toban daqiiqo u jirtay wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Chelsea ayaa markan aamintay in ay guul gaadhi karto isla markaana ay natiijada ciyaarta si buuxda dhinaca kale ugu dhigi karto, waxaana Watfrod dhibta u keenayAmrabat kaas oo qalad wayn ku lahaa in kooxdiisa goolka barbaraha laga dhaliyay.

MichyBatshuayi runs off with his arms spread after netting his first Chelsea goal to draw his side level in the 80th minute

DAQIIQADII 87 GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL!.Alla maxay si deg deg ah xaaladu isku badashay!. Haddii ay Chelsea todoba daqiiqo ka hor ku taagnayd dariiqii guuldarada waxay markan heshay goolka guusha iyada ooDiego Da Silva Costa uu dhaliyay goolka Watford wadnaha gooyay iyaa oo gool caawinta uu sameeyayFrancesc Fàbregas oo isna kaydka ka soo kacay, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues dhinaca kale natiijada ciyaarta ugu dhigtay.

Diego Costa nets the winner late on as Chelsea as he squeezes his shot under Watford stopper Gomes

Saamaynta badalka uu sameeyay Antonio Conte ayaa sabab u noqotay in Blues ay si fiican uga faa’iidaysatay waxayna ugu danbayn awooday in ay soo heshay saddex dhibcood uu muuqday in ay dhinaca kale yaaleen toban daqiiqo ka hor waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta. Waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Blues ku garaacday kooxda Watford.