Xusku wax uma taro ruux xabaal ku jiroo
Xijaab uma aha xisaabta Allee
Intuu Xay yahaa la xaaleeyaa'' Ileeye
Ayaamihii bilawga daba-galka suugaanta iyo xiisaha daran aan u hayay waxkasta oo afka iyo dhaqanka la xidhiidha, saddex doonisood ayaa maskaxdayda aan hadh iyo hebeen ka bixi jirin. Labada kale oo aan midkood inta aan jiro ama joogo ii rumoobi doonin, se aa janadii BARWAAQ rajaynayo in aan kula kulmi doono; ta aan u socdo ayaa ah in aan MAXAMED IBRAAHIM WARSAME ‘’HADRAAWI’’ maalin uun hor-fadhiisto oo aan ugu yaraan ka gunto hal eray oo ii iftiimin doona wadiiqooyinka nolosha boqran.
19-02-2016 ayaa aan halkii ay xuduntiisu taalay iyo hoygii dhaqanka ee Burco kula kulmay Hadraawi, waxa aanan ka hor akhriyay maansadan oo shamac yar ka iftiiminaysa, qorraxda iyo wax qabadka Hadraawi ee aan kaahiisu Waaqii iyo waligeen dami doonnin.
Hadal waliba baaqii
Damal waliba hooskii
Holac waliba qiiqii
Han kastaaba yoolkii
Hees waliba luuqdeed
Hogol waliba daadkeed
Hanti waliba deeqdeed
Bulsho wali hogaankeed
Hal kastaaba dhiiqdeed
Haan waliba qaadkeed
Barashana higgaadeed
Anigun humaaggiyo
Heensayna weedhaha
Waan hubin aqaanaa
Hogga waan u sahan shaa
Maantana hillaadii
Hoygii aftahankiyo
Hilinkii togdheer buu
Hirku iiga muuqdaa.
Hal-abuurka jiitee
Hu’ga shaalka Maansada
Hibo loogu xidhayee
Hawraar farshaxaniyo
Halmuceedka reebee
Suugaanta hodankaa
Hanti nooga dhigayee
Hanqaltaag abwaanadu
Ugu soo hirtaanee
Loo wada hanweynyoow
Hambalyiyo salaan wacan
Wadnahayga hurisoon
Baryo huurinaayoo
Haniyaha kashaydiyo
Uurkaygu hidiyaan
Hadyad kuugu keenee
Boqorkii halhayskiyo
Iga qabo Hadraawoow
Dhayal looma heesoo
Murti lama hibeeyee
Waxan kuu higsanayaa
Hiyigay noolbaad
U ahayd hir doogloo
Hansamiyo gobdoonoow
Haybsiga aqoontiyo
Garashada habbooniyo
Warsidaha hilaaciyo
Warka haatuf sheegee
Haadu isu warisee
Carta hoosaskeediyo
Herertaa galbeediyo
Jigjigiyo Hargeysiyo
Hoygaad ku ababtiyo
Holhol iyo garoowiyo
Hobyo iyo ilaa xamar
Halka ay Wajeer tahay
Hadalhaynta shacabkiyo
Inta kuu hanweyniyo
Halqabsiga dadkeygaan
Hawraar u rogayaa.
Bulsho hogotuskeedaad
Hilinkeeda jeexdoo
Adigaa had iyo jeer
Waanada habeeyoo
Murtidiyo higgaaddaa
Sida haad raq loo wadhay
Dadku ugu hamuumoo
Sirta noloshu waa hagis
Midho heer sareeyoo
Durdur haybadiisiyo
Gudgudaan hadhaynoo
Hoodada Awaal-tiris
Ma himaamo ruuxna.
Waxa tahay halyaygi
Hororkiyo gumaystaha
Hootada ku ganayoo
Fiidnaam hub culus baad
Arar ugu habaysoo
Hiilkaagi falastiin
Hanqadh buu ahaayoo
Halgankii dadkeenana
Gabaygaa horseedoo
Halxidhaalahaagiyo
Holoceeda siinley
Dadnimaad u hurisoo
Daalacan habkeediyo
Hal-adayga deelleey
Ma hilmaamo ruuxna.
Jiitami han noolbay
Ka riddaa harqoodkoo
Danab iyo hilaacbay
Daalaleeyna hurisoo
Marki aad hanjabasee
Ma la kacay hargeysiyo
Heelliyo u tirisaa
Dadku heeryo tuuroo
Muc hambaabir leedahay
Ma hilmaamo ruuxna.
Hor ilaahay adigaa
Hawraar u tiriyoo
Ergadii hanuukiyo
Hal-ahaade dulucdaad
Huwisaa qurxoonoo
Daba-huwan sirteediyo
Afku siran hanaan bay
Garashada u haydoo
Aakhiro halkay tahay
Ma hilmaamo ruuxna!
Dumar iyo haweenbaa
Nolol loo hawaystee
Heedhee sahraay iyo
Hableheenna geeskiyo
Indhobadan nin hiil taray
Dadnimuu haleelee
Hooyooy la’aantaa
Ma hilmaamo ruuxna.
Heelada jacaylkiyo
Heesaha kalgaclkeed
Sida waqal u hoortaa
Waligood hadhaynoo
Hadba waxan xusuustaa
Hableheenna quruxda leh
Sida heego-muuqdheer
Ama hee ShanUbaxley
Huga aad ku sharaftoo
Jacayl dhiigga habayoo
Lagu qoray halbawliyo
Cajabeey hibaaqeey
Halka ay xoqaysana
Ma hilmaamo ruuxna.
halabuurku waa dhamac
Laabtaada hurisoo
Hurdo kaa ilaashee
Ninka hirarka dhaadheer
Dadka kala hadlaayiyo
Marka hoobal loo shido
Ma hilmaamo ruuxna.
Waligaa hadraawoow
Ku hilmaami maynoo
Midhahaad habaysaa
Hanti noogu filanoo
Hadda iyo danbeetaba
Duco aan hadhaynbaad
Kuu hidinaynaanyoo
Waxad tahay haldoorkii
Dadka loogu hiishee
Ifka hibo ku nooloow
Illimada hoyaadkana
Hadhac lagu badhaadiyo
Hadhka Eebeheeniyo
Hooskii farduusaad
Anbiyada halkoodiyo
Heerkii run-sheegyada
Nimco kula halmaal abid.
W/Q: Cali Ileeye
caliileeye@gmail.com
Hargeysa, 2016.
Boqorkii Halhayska "Hadraawi" W/Q Cali Ileeye
Xusku wax uma taro ruux xabaal ku jiroo Xijaab uma aha xisaabta Allee Intuu Xay yahaa la xaaleeyaa'' Ileeye