Dharaarihii Lumayga W/Q: Sharmaarke Qaloonbi

0
Monday August 22, 2016 - 10:15:46 in by Burco Office
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dharaarihii Lumayga W/Q: Sharmaarke Qaloonbi

    Dhararihii lummayga sacadow dardarkii Wali duunku kama bixin Mana ihi nin doogoo Diiday garashadadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhararihii lummayga sacadow dardarkii Wali duunku kama bixin Mana ihi nin doogoo Diiday garashadadii


Duxdii iyo qaraamkii ban

wali dacalka haystaa
Doodiina kama hadhin
Dawga cashaqagii
Dardartaan u badiyaa
Alle janada daajoow

Waa nin dhalinyaro aho aqoon leh caqli na ilaahay ku manaystay weeye waa ruux dadnimo lagu majeertay. magaciisu waa sacad reerkoodu waa qoys sabool ah wuxu ka imi magalaadda Borama gobalka Awdal annagu isma naqaan lakiin waayaha ayaa iskaya barray waxanu isku baraney Ethiopia. Waxanu safar kasoo wadda bilawney Adiis ababa waxanu noqonay isku safar waa barisamaad

waa ruux markasta jacayl wax ku saabsan inuu maqlo raba haduu hadlo waa ruux ka waramaya uun jacayl hadii kalena waa ka heesaya uun.

dadka nala socda waxay qaar leeyiin waa walan yahay” halka qaar kale ka leeyiin waa miskiin yar” kuwo kale ayaa iyaguna leh jacayl baa haya”

kuwaas ugu danbeeya uun baa fahmay sacad

nolashii baa sii adkaaday safarkii wuxu noqday mid badan maha kii xisaabta noogu jirray waxa laga degay gadhigii ma garanayno meel aanu ku socono lug baa toobiyaha nala saaray laba malmood baanu lugaynayna biyo ma haysano baad ma haysano mana haysano xoriyad aanu ku safri karno sida adhiga ayaa nalagu daba jira dumar badan baa barooranaya qaar baa suuxay kuwo kale anaga ayay naf na bidayaan oo aay na leeyiin hanaga dheeraynina. xageebanu ku socona marka aanu dhahno khartuun baa naloo sheegaya oo intee ka hadhay? kolkanu nidhaahno waxba ma hadhin baay leeyiin ulayn baa noo dheer iyo hanjabaad xoogan niyad jab ba’an baa na haysta waxa niyadda nagaga soo dhacaya biyihii mooya saxadda ahaa si sida la mid ah waxa nagu wareegaya hilib geellii adiis ababa anu ka soo cunnay xasuus baanu ku casuumanahay.

Waxanu cagaha dhiganey si fool adag khartuun ma iyaddii baa? tee? tii aanu sidda dahabka dawirinayney, haa. waa lafteedii nasiib wanaag waanu tagnay waxa aanu galney guri waxa noo iimi dilaalin soomaliyeed ilaahii abuurtay barri hore ayay kala dhaqaaqeen admigiisana haba sheegin reero ayaa waxbarasha usoo dirsaday waalid baa isleh ubad baa Ku maqan dalkana u maqan diintana u maqan xaqiiqna aan midna u maqnayn, waxay na siyeen casuumad balaadhan waxay na galiyeen nolol yaro sida filimka dhamaysa waxa aanu malin joogney khartuun si dhakhsa ah baa na looga diray waxa na diraya ardayda imaan ka beeshay nooma tudhayaan anaguba isuma tidhaayno maxay noogu tidhi waxay na leeyiin janno ayaa galaysan si wanaagsan baa laydiin soo dhawaynayaa hadana laba iyo toban qof baa haraad iyo gaajo u dhintay halka wanaagsane aay leeyiin si wacan baa nalagu soo dhawaynayaa”

sacad sidiisii buu u heesaya mar wuxu qadayaa hees khadra daahir qaado midhaheeda aay ka mid ahayeen

Dadko ururuurayo
Isu tagay dhammaan
Ma ogaan karraan
Mooyiye isagaaa
Ayaa aa weeeey
Aaaaaa uga wada warama
Aramidu iney eelkayga qaaad
Hadba waxan arkaa
Anoo aay cidlaaa
Eri dhaban sidii
Ku ololayee
Yey ku dhicin ilmadu
Dhul abaarsate
Isha sacab ka marri

Yaanu qallinku ila taraarine safarka sadex cisho ayaanu sii soconey konton qof ayanu ku sarneyn cabdi bille. nasiib wanaag tagney meel badhtanka liibiya iyo Sudan ah haraad ba’an baa ka jira gaajo ayaa ina dan wayne ah laba iyo toban qof baa u dhintey waxa dhacaya lacag baa layska doonayaa laba kun iyo badh dollar ah sacad badda ma hayo hees baay kaga soo hadhay wuxu joojiyay hadalkii hees buu u badalay hadad damacdo in uu sacad kula hadlo hees buu kugula hadlaya malin baan sacad isidhi la hadal kolba hees qaraam ah ayuu igu hurgufa dee miyaan kaba tagayaa Anoo haraadan baan nafta ku saabaleeyaya .
marar badan baan waydiiyay maxad Dalkii uga timi sxb? Maxa kugu kalifay in aad markasta heesto? afka hakala furin lahayde haka waraysiin lahayde. hays barinina wacnayde hadanad bahidiisa walaalka sacad wax ka qaban karrin. afka ayuu furtay sacad waxanu fadhina saxaraha u dhaxeeya Sudan iyo liibiya Goob ka mid ah meel koona ah baan ugu tagay isagoo qadayaa

Haween waa u samir
Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan
Looma samayn

Waan Salaamay walaalkay sacad Waxanan waydiiyay waxa haysta kolkaasu afka furray wuxu furray wuxu sacad I leeyay garanmaayo goor halkan iimi garan maayo cid iga saaraysa reerkaygaa sabool ah.garranmaayo sida aan hadda ahay garanmaayo wici igu dhacay sida aan ka yeelayo? Waxan jeclaaday inan sida laba qof is jecel isu jeclaadan baanu isu jeclaanay waxa aan u dhiibay naftayda kalsoonideedii iyana waay I dhiibtay anigu ma shaqeeyo aabo ma shaqeeyo hooyo ayaa waxyar ka shaqaysa waxana waxanu ka heli jirnay masariifta. abaheed inanta aanu is jeclaanay shirkadaha is gadhsiinta ayuu share ku leeyay jaar baanu inanta nahay waa qof wacan waa qof I jecel anigu jamaacadii maan dhamayn waxan uruursaday waxyar inta badan waxa iga bixisay asxaabta gabadhii baan isidhi isidhi doono abaheed kula hadlo maayo buu istaagay aabahay waxanu ku bahdilay meel gole ah.



W/Q: Sharmaarke Qaloonbi