Xidhiidh Ma Ka Dhexeeya Nooca Dhiiga Qofka Iyo Shaqsiyaddiisa? W/Q Jimcale Xamari

0
Monday August 22, 2016 - 11:16:46 in by Burco Office
  • Visits: 9101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidh Ma Ka Dhexeeya Nooca Dhiiga Qofka Iyo Shaqsiyaddiisa? W/Q Jimcale Xamari

    Inkasta oo aanay jirin aragtiyo ku filan oo lagu kala saaro noocyadda kala duwan ee shaqsiyadda, hadana wadanka Japan waxa aad loo tix galiyaa nooca dhiiga ee qofka marka la doonayo in la ogaado shaqsiyaddiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo aanay jirin aragtiyo ku filan oo lagu kala saaro noocyadda kala duwan ee shaqsiyadda, hadana wadanka Japan waxa aad loo tix galiyaa nooca dhiiga ee qofka marka la doonayo in la ogaado shaqsiyaddiisa.


Sida aynu ognahay saynisyahan reer Austria ah ayaa daahfuray noocyada dhiiga (ABO System) sanadkii 1900. Isla in yar uun ka dib helidii noocyada dhiigga, 1927 ayuu barre sare Takeji Furukawa oo wax ka dhiga dugsi tababar macalimiin haween ah oo ku yaal magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan uu soo jeediyay in xidhiidh ka dhexeeyo nooca dhiigga ee qofka iyo dabeecaddiisa iyo hab-dhaqankiisa.
Waxa uu aragtidiisa ku taageeray tijaabooyin uu sameeyay in yar kadibna aragtidiisii waxa ay noqotay mid ku fiday dalka Japan iyo inta u dhaw. Inkasta oo aan dunida reer galbeedka aad looga qaadanin hadana waxa si xawli ah looga fahmay wadamada qaaradda Aasiya gaar ahaan Japan iyo Koonfurta Kuuriya.
Aragtidani waxa ay keentay in dad badan lagu liido, laguna dhibaateeyo goobaha shaqadda iyo dugsiyada sababo la xidhiidha nooca uu yahay dhiiggoodu.
Faysbuuga iyo barraha kale ee bulshada ee badi wadamada Aasiya waxa ay kuu ogolaanayaan in aad macluumaadkaaga ku darto nooca uu dhiiggaagu yahay, si qofka kale wax badan kaaga sii ogaado.

 

1. Nooca Dhiigga A iyo shaqsiyadda qofka leh

Dadka dhiiggoodu yahay nooca loo yaqaano A waa dad naxariis badan, dantoodana ka horaysiiya danta dadka kale. Waa dad inta badan aan shucuurtooda laga dareemin, si kasta oo ay u murugaysan yihiin, ama u naxsanyihiin waxa ka muuqda deganaansho. Dadkani waa dad inta badan si fiican u dhagaysta dadka kale badannaana saaxiibo badan. Si ay dadka kale u jeclaadaan darteed ayay shucuurtooda qariyaan, markaa waxa ay u baahan yihiin in wakhtiyada qaar ay kali ahaadaan si ay dareenkooda dibeda ugu soo saari karaan.
Shaqooyinka ugu fiican ee dadkani waa kuwa aan lahayn dad badan oo lala shaqaynayo sida; Xisaabiye iyo qoraa.
Ka waran dhinaca jacaylka? Dadkan waxa ay aad isku fahmaan dadka ay isku dhiigga yihiin iyo dadka dhiiggoodu yahay AB.

 

2. Nooca Dhiigga B iyo shaqsiyadda qofka leh

Dadka leh dhiigga noocan ahi waa dadka inta badan u samaysan xilka iyo qabashadiisa.
Dadkani waxa ay kaga duwan yihiin kuwii A-da, in ay si dabiici ah oon iska keenid iyo is yeel-yeel ahayn ula macaamilaan dadka kale iyagoon iskaba dhaadhicinayn, doonaynna in ay jeclaadaa.
La dhaqanka iyo maamulka dadku wax dhib ah kuma hayso, wax wayn ayaanay taraan marka ay maamulka hayaan. Dadkan waxa ay is jeclaadaan dadka ay isku dhiigga yihiin iyo dadka dhiiggoodu yahay AB.

 

3. Nooca Dhiigga AB iyo shaqsiyadda qofka leh

Dadka dhiigga noocan ah lihi waa dad jecel xorriyadda iyo madaxbanaanida. Waa dad aad u faraxsan mar walba, wax dhib ahba kuma hayaan dhibaatooyinka dunidu.

 

4.Nooca Dhiigga O iyo shaqsiyadda qofka leh

Dadka dhiigga noocan ah lihi waa dadka ugu mudan in laga dhigto hogaamiye, waayo waa dad inta badan masuuliyad culus iska saara hadba hawsha ay hayaan. Waa dad leh hami iyo yididiilo saraysa, aadna iskugu kalsoon. Dadkani inta badan waa dadka ku guulaysta dhinaca Isboortiga iyo ciyaaraha.
Dadkan inta badan waxa uu xidhiidh jacayl dhex maraa dadka la dhiigga ah iyo nooca kale ee AB.

Marka la eego dhinaca jacaylka iyo xidhiidhada AB waa nooca ugu nasiibka badan waayo cidba isma diidaan.

 

Adigu Akhriste ma taqaanaa nooca dhiigaaga?
Hadii aanad aqoon noocee ayaad isku malaynaysaa?

Ma aaminsan tahay in aragtidan ay wax ka jiraan? sabab?

 

Wa Bi Laahi Tawfiiq

Jimcale Xamari

@Hargaysa