War Deg Deg:Qoys Somaliya Oo Degan Dalka Sweden Weerer Banbaamo Lagu Qaaday Sababayna Dhimasho

0
Tuesday August 23, 2016 - 10:13:05 in by Burco Office
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Qoys Somaliya Oo Degan Dalka Sweden Weerer Banbaamo Lagu Qaaday Sababayna Dhimasho

    Wararka ka imaanaya magaalada Gothenburg oo ah Caasimada labaad ee dalka Sweden ayaa sheegaya in xalay Weerar Bambaano oo dhaliyay Khasaare dhimasho lagu qaaday Guri ay degnaayeen Qoys Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Gothenburg oo ah Caasimada labaad ee dalka Sweden ayaa sheegaya in xalay Weerar Bambaano oo dhaliyay Khasaare dhimasho lagu qaaday Guri ay degnaayeen Qoys Soomaaliyeed.
Xalay Saqdii Dhaxe ayaa la sheegay Guriga ay degnaayeen Qoysan Soomaaliyeed oo kuyaala magaalada Gothenburg , lagu tuuray Bambaano , waxaana Bamkaasi inta la xaqiijiyay ku Geeriyooday Wiil yar oo 8-sano jir Soomaali ahaa oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Abdiwahid Warsame.

Wiilka yar ee ku geeriyooday Weerarkan Bambaano iyo qoyskiisa ayaa la sheegay in ay marti ku ahaayeen Guriga la weeraray ayna ka tageen dalka Ingiriiska ay ku noolaayeen.

Sacdiyo Fure , oo Degneed Guriga la weeraray lana hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in aysan ogeyn sababta ka dambeysa weerarkan lagu soo qaaday, waxa ayna tilmaantay in weerarkan ay hada baadhayaan ciidamada booliiska.


Warar soo Baxaya ayaa sheegaya in Guriga la weeraray ay horey ciidamada booliiska uga xireen Wiil dhalinyaro ah oo lagu tuhmayay fal dil ah oo ka dhacay magaaladaasi, lamana oga in weerarkan uu la xadhiidho kiiskaasi iyo in kale.