Maxaad Kala Socotaa Goolashii Ramsey Ee Shilalka iyo Dhimashadu Garab Socdeen Tan Iyo Sanadkii 2011?
aadamaha awgii, ay jiraan waxyaabo ay iska dhaadhiciyaan xiliyada qaar iyagoo sharaysa dhacdooyinka kusoo noqnoqda ee geeri kadambayso.
Hadaba Qoraalkeena maanta ayaanu kusoo qaadan doonaa dhacdooyin la kulmay xidiga wadanka WALES iyo kooxda Arsenal ee Aron Ramsey markasta oo uu gool dhaliyo, waxaana ay arintani keentay inay welwel ku abuurto dadka badan, wallow ay u badnaayeen cid aan aaminsanayn Diinteena suuban ee Islaamka. Qormadan oo aanu kasoo xiganay shabakada Daily Star ee wadanka Britain ayaa waxa lagu soo koobay goolal uu dhaliyey xidigani iyadoo uu isla saacado ama maalin kadib ay dunida ka baxeen ama dhinteen dad magac wayn ku lahaa adduunka.
- 01-may-2011: Aron Ramsay waxa uu gool ka dhaliyey kooxda Manchester United, 4 Saacadood kadib waxa lagu dhawaaqay geeridii Osama Bin Laadin
- 02-Octobar-2011: Ramsay waxa uu goolkii guusha u saxeexay kooxdiisa Arsenal ciyaartii Darby London oo ay 2-1 kaga adkaadeen Tottenham, waxaana 72 Saacadood kadib lagu dhawaaqay geerida aas-aasihii shirkada Apple ee Stave Jobs.
- 19-Octobar-2011: Ramsey ayaa markale dhaliyey gool ay Arsenal kaga adkaatay kooxda Marsile ee reer France, waxana maalintii ku xigtay kooxihii kasoo horjeeday dawladii Libiya ay ku dhawaaqeen inay dileen Hogaamiyihii wadankaasi ee Qaddaafi.
- February-2012: Ramsay waxa uu gool ka dhaliyey kooxda Sunderland, isala 8 Saacadood kadib waxaa geeriyootay gabadhii reer Maraykan ee Heesi jirtay oo la odhan jiray Whitney Houston.
- 21-March-2013: Ramsay waxa uu gool u saxeexay xulkiisa Wales oo la ciyaarayey Scotland, waxaana maalin kadib geeriyooday xidigii kubada basketka ee Williams.
- 30-November-2013: Xidigani waxa uu gool ka dhaliyey kooxda Cardif City, waxaana isla maalintaas shil gaadhi ku geeriyooday jilaagii aflaanta ee Paul Walker.
- 10-Augst-2014: Xidigan ayaa kooxdiisa Arsenal u saxeexay gool, ciyaar ay la ciyaarayeen Manchester City, isla maalintii ku xigtay waxaa Qudha iska jaray Jilaagii Robin Williams.
- 09-January-2016: Ramsey waxa uu gool kadhilayey kooxda Sunderland, isla maalintii ku xigtay waxaa la shaaciyey geerida David Bawle, oo ahaa Heesaa.
- 13-January-2016: waxa uu markale gool ka dhaliyey Liverpool, waxaana maalinkii ku xigtay dhintay jilaagii dhinaca masrixiyadaha Alan Rick Man oo ahaa
Wallow, goolasha xidigani ayaa inta badan ku beegma shilal iyo dhimashada dad caana, balse waxaa jira goolal badan oo aanay xaaladahani raacin, waxaana khalad ah in lala nisbeeyo ama lala xidhidhiyo goolashiisa iyo qadarka Alle.
Maxaad Kala Socotaa Goolashii Ramsey Ee Shilalka iyo Dhimashadu Garab Socdeen Tan Iyo Sanadkii 2011?
Geeridu waa xaq waana shay ku xidhan xukunka ilaahay aadamuhuna waxa uu geeriyoodaa marka ay ajashiisu dhamaato, ajashaas oo xiligeeda ilaahay'uun garanaayo mana aha wax ku xidhan xaalado maskaxda bini'aadamku suurayn karto. Wallow hadana T