FC Porto Oo AS Roma Ka Cidhibtirtay Champions Leaque-ga,Monaco,Celtic Iyo Kooxaha Kale Ee U Soo Baxay Heerka Group-yada Champions Leaque-ga
Kooxda AS Roma ayaa ka mid noqotay kooxaha ku fashilmay in ay soo gaadhaan heerka Groupyada Champions Leaque kadib markii ay kooxda FC Porto guul ku gaadhay 4:1 celcelis ahaantii labada kulan. Roma ayaa garoonkeeda loogu dubtay 3:0 laakiin waxaa kulankan Roma laba kaadh casaan ka qaatayDaniele de Rossi iyo Emerson Palmieri taas oo kooxda Porto ka caawiysay in ay si sahlan ku dubato Roma.
FC Porto ayaa markii 21 aad u soo baxday heerka Groupyada Champions Leaque-ga waxayna rekoodhkan la wadaagtaa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, sidoo kale FC Porto ayaa markii lixaad oo xidhiidh ah soo gaadhay heerka Groupyada Champions Leaque-ga. Waxaana FC Porto guushan u horseedayFelipe, Miguel Layún iyoJesúsCorona oo min hal gool dhaliyay.
Kooxda AS Monaco ayaa ka soo talaabsatay kooxda ree Spain ee Villarreal waxayna kulankii lugta danbe guul ku gaadhay 3:0 iyada oo celcelis ahaan labada kulan ku soo baxday 3:1. Dhinaca kale kulan dhex maray kooxaha Viktoria Plzen iyoLudogorets Razgrad ayaa ku dhamaaday barbaro 2:2 ah laakiin kooxdaLudogorets Razgrad ayaa ku soo baxday natiijad celcelis ahaanta labada kulan iyada oo heshay 4:2.
Kooxda Branden Rodger ee Celtic ayaa guuldaro 2:0 ah la kulantay laakiin hore ayay shaqadeeda u soo qabsatay kulankii lugta hore waxayna Celtic ku soo baxday celcelis ahaanta labada kulan waxayna ku soo gudubtay 5:4. Ugu danbayn kooxdaLegia Warszawa ayaa heerka groupyada soo gaadhay kadib markii barbaro 1:1 ah la gashay kooxda dundalk balse waxay shaqada inta ugu badan soo qabtay kulankii lugta hore waxayna ku soo baxday natiijada labad kulan oo ah 3:1. Kooxda Legia ayaa heerka Groupyada Champions Leaque soo gaadhay markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 1996 kii.
NATIIJOOYINKA KULAMADII CAAWA LA CIYAARAY IYO KOOXIHII U SOO BAXAY HEERKA GROUP-YADA CHAMPIONS LEAQUE-GA.
Roma 0-3Porto(Celcelis: 1-4)
Monaco1-0 Villarreal (agg: 3-1)
Viktoria Plzeň 2-2Ludogorets Razgrad(agg: 2-4)
Legia Warszawa1-1 Dundalk (agg: 3-1)
Hapoel Beer-Sheva 2-0Celtic(agg: 4-5)
FC Porto Oo AS Roma Ka Cidhibtirtay Champions Leaque-ga,Monaco,Celtic Iyo Kooxaha Kale Ee U Soo Baxay Heerka Group-yada Champions Leaque-ga
shan kooxdood oo ka mid ahaa toban kooxood oo caawa ciyaaray kulamadii lugta danbe ee isreeb reebka Champions Leaque-ga ayaa u soo baxay heerka Groupyada Champions Leaque-ga halka shan kooxood ay ku fashilmeen in ay ka soo gudbaan wareegii saddexaad