Lampard Oo Chelsea Ka Tagaya iyo Tababare Mourinho Oo saddex xiddig midkood uu dhoola-cadaynaya

0
Tuesday June 03, 2014 - 11:34:54 in by Super Admin
  • Visits: 1308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lampard Oo Chelsea Ka Tagaya iyo Tababare Mourinho Oo saddex xiddig midkood uu dhoola-cadaynaya

    Xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea, Frank Lampard ayaa daboolka ka qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea, Frank Lampard ayaa daboolka ka qaaday

 inuu ka dhaqaaqayo naadigaasi xagaan, kadib 13 sanadood oo uu soo joogay garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.


Laacibka xulka qaranka England, ayaa u saftay kooxda the Blues 648 kulan tan iyo markii uu uga soo wareegay kooxda West Ham United sanadkii 2001-dii, isagoo dhigay rikoodhka goolasha ugu badan oo u dhaliyey Chelsea 211 gool , laakiin tababare Jouse Mourinho ayaa iska indho tiray inuu halyeygan u kordhiyo heshiiska uu kooxda kula joogo.

Da’diisa oo 35 jir ah , hadana Lampard waxay caqabad kala soo daristay inuu cidhiidh sado booska uu ciyaaro xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2013-14, waxaanu safka hore ku soo gallay 20 kulan oo kaliya, taas oo sababtay in suuqa la galliyo xanta ah , inuu ciyaaraha ka fadhiisanayo kadib koobka aduunka, xanta qaarka yidhaahdaan wuxuu u socdaa horyaalka Maraykanka ee MLS.

"Markii aan ku soo biirayay kooxdan la yaabka leh , 13 sanno ka hor , marna ma filaynin inaan ciyaaro sidaas u tiro badan u safan doono,  guulo sidaas u faro badana la gaadhi doono,  naadigani wuxuu noqday qayb noloshayda kamid ah.” Ayuu Lampard ku yidhi qoraal uu soo saaray.

"Roman Abramovich, Ninka badbaadiyey naadigayaga, ee dhamaantayona darajada sare na gaadh siiyey. Damaciisa ku cadaadinta kooxda ee Heerka ugu sareeya ee dunida kubada cagta ah ayaa qof kasta meesha ku dhejisay.’’

Qoraalka uu dheeraa , wuxuu Frank ku so oaf meeray , mahad naq , waxaanu yidhi : ‘’ Waad ku mahadsan tihiin xusuusta igu dheer , siina haya jidka taariikhda cusub.’’

FBL-EUR-C1-ATLETICO-BARCELONA

Barcelona iyo Chelsea ayaa labadaba ku lug leh ciyaaryahanka khadka dhexe Atletico Madrid ee Koke sida ay Sky Sporst sheegtay, Barcelona ayaa u aragta badalka Cesc Fabregas oo kooxda kasii socdo, kooxda Catalans ayaa isku diyaarineyso in lacagta ay kahesho Fabregas ay kudalbato kubad sameeyaha Atletico Madrid.

Balse Chelsea ayaa dhankeeda bilowday inay talaabo uqaado dhanka Koke sidii ay ku keeni laheed Stamford Brdige, iyadoo Mourinho uu doonayo inuu xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka danbe kadib xilli ciyaareed abaar ah uu ku dhamaystay galbeedka London.

Ciyaaryahanka qaranka Spain ayaa xirfadiisa oo idil kuqaatay Atletico Madrid isagoo door libaax ka qaatay hormarkii ay kooxdu sameesay xilli ciyaareedkii tagay, Atletico ayaa qaaday horyaalka Spain ee Primera Liga, waxaana ay soo gaartay Final ka Champions League.

Wiilka ku dhashay Madrid 22, ayaa January ogolaaday heshiis muddo kordhin oo ay usoo bandhigtay Atletico Madrid, heshiiskiisa cusub ayaa dhacaaya 2018, Koke ayaa sheegay inuu doonaayo inuu sii joogo Calderon walow uu kufaanay in lala xadhiidhiyo barcelona.

Marca ayuu usheegay "Barcelona waxey kamid tahay kooxaha adduunka ugu fiican, inay kudanayso waxey lamacno tahay inaad wax sax ah samayneysid, si walba waxa keliya aan kufikiraayo waa inaan sii wado shaqada, waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo, qof walbo wuu ogyahay , waxaan nafteyda u arkaa mid sii joogeyso Atletico Madrid xilli ciyaareedka danbe.

Tababare Mourinho Oo  saddex xiddig midkood  uu dhoola-cadaynaya

Macallinka kooxda Cheslea Jose Mourinho ayaa u dhaqaaqi doona midkood Loic Remy, Wilfried Bony ama inuu dib usoo ceshto Romelu Lukaku si uu saddexdan weeraryahan midkood ugu xoogijo Diego Costa oo xagaaga soo socda lagu wado inuu yimaado Stamford Bridge, sida ay daabacday Daily Star. Costa ayay u muuqataa in heshiiskiisa lagu soo gabagabeen doono £35 million, xilli Samuel Eto’o uu soo idlaaday waqtigiisii Stamford Bridge, halka sidoo kalena shaki la gelinayo mustaqbalka Fernando Torres iyo Demba, walow laga yaabo inay sii jogaan kooxdan balse waxay u badan tahay inaysan xagaaga soo socda boos joog ah ka heli doonin kooxdan Mourinho ayaa doonaaya in midkood saddexdan weeraryahan Bony, Remy ama Lukaku ee ka ciyaarta horyaalka Premier League ku qanciyo inay kusoo biirayn kooxda oo sannadkii hore ka huleeshay fagaaraha lagu hirdamo iyadoo fara maran oo aan ku guuleysan wax koob ah.

FBL-ENG-PR-CELSEA-MOURINHO

Remy ayay Chelsea kaga heli kartaa kooxda iska leh mulkiyadiisa ee QPR qiimo dhan £8 million, halka Bony oo bandhig ka wanaagsan ku soo bandhigay Premeir League xilli ciyaareedkii tagay kooxdiisa Swansea laga heli karo qiimo aad u sareeya oo gaadhaya ku dhawaad ilaa iyo £25 million.







afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com