Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Iyo Wafti Uu Hogaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Uga Ambaxay Dalka Masar
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Safar Deg Dega Ugu Anba Baxay Dalka Masar+U Jeedka Safarkooda
Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr.
Sacad Cali Shire
ooo socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar ayaa maanta gaadhy
magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u
qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee
Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta
Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo
lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee
Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar,
waxana kaga horyimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda
Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.
Mudada uu ku suganyahay weftigu Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonan
dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar Mudane
Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka
Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah
masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta
xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee
Somaliland iyo Masar
Source: Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL
Hargeisa, Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Iyo Wafti Uu Hogaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Uga Ambaxay Dalka Masar
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Safar Deg Dega Ugu Anba Baxay Dalka Masar+U Jeedka Safarkooda Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire