Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay Dalka Masar

0
Thursday August 25, 2016 - 10:35:27 in by salman abdi
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay Dalka Masar

    Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal shaqo ugu baxay dalka Masar ayaa maanta gaadhay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal shaqo ugu baxay dalka Masar ayaa maanta gaadhay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.


Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.

Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga horyimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.

 

Sida ay warbaahinta usoo xaqiijiyeen qaarka mid ah masuuliyiinta wasiirka ku weheliya weftigiisa ayaa waxa u qorshaysan weftiga wasiirka mudada ay ku suganyihiin Qaahira inay kulamo muhiim ah la qaataan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar Mudane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar

Source: Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL