Dhacdooyinkii Lixda Ahaa Ee Ugu Xiisaha Badnaa Ciyaaraha Olombikada Adduunka Rio 2016 Oo Sawiro Lagu Soo Koobay

0
Thursday August 25, 2016 - 15:59:03 in by Burco Office
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdooyinkii Lixda Ahaa Ee Ugu Xiisaha Badnaa Ciyaaraha Olombikada Adduunka Rio 2016 Oo Sawiro Lagu Soo Koobay

    Tartankii Ciyaaraha Olombikada adduunka ee Toddobaadkan lagu soo gabagabeeyey waddanka Brazil gaar ahaan Magaalada Rio De Janiero waxa ay reebeen mahadhooyin iyo taariikh lama illaawaan ah iyo arrimo xiise lahaa oo muddo badan la sii hadal hayn doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartankii Ciyaaraha Olombikada adduunka ee Toddobaadkan lagu soo gabagabeeyey waddanka Brazil gaar ahaan Magaalada Rio De Janiero waxa ay reebeen mahadhooyin iyo taariikh lama illaawaan ah iyo arrimo xiise lahaa oo muddo badan la sii hadal hayn doono.

 Shabakadda wararka telefishanka Ruushka ee RT ayaa 10 qodob ama arrimood ku soo ururisay dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee tartankaasi intii uu socday si gaar ah dadka u soo jiitay kuwaasi oo aan lix ka mid ah ka soo qaadanay. Dhacdooyinkaasi Lixda ah ee aan tobankaa dhacdo ka soo qaadanay waxa ay kala yihiin:
1. Karimal Abul Jadayel waxa ay noqotay Haweenaydii ugu horraysay ee u dhalatay waddanka Sucuudiga ee dalkeeda uga qayb gasha tartanka orodka 100-ka mitir ee fagaxda ah ciyaaraha olombikada adduunka waxaanay ordaysay iyada oo xijeedkeeda xidhan. Inkasta oo ay xagga ugu dambaysa tartankan ka gashay haddana waxa ay soo jiidatay indhaha adduunka markii ay ku oroday madaxeeda iyo jidhkeeda oo ay ku duubtay maro madaw oo ay ku qarisay.
192cf72b-4790-44d3-8821-3343511457eb
2. Waxa ay ahaayeen laba Tababare oo u dhashay waddanka Mangolia waxaanay adduunka ka yaabiyeen markii ay iska siibeen (is qaawiyeen) dharkii ay xidhnaayeen cadho darteed si ay u muujiyaan cabashadooda ku aaddan garsoorihii dhexdhexaadinayay kulankii ay ciyaartoygoodu ka qayb galayeen oo ay saluugeen cadaaladdiisa.

TOPSHOT - Mongolia's Mandakhnaran Ganzorig's coaches react after the judges announced that Uzbekistan's Ikhtiyor Navruzov won following a video replay in their men's 65kg freestyle bronze medal match on August 21, 2016, during the wrestling event of the Rio 2016 Olympic Games at the Carioca Arena 2 in Rio de Janeiro. / AFP / Jack GUEZ

TOPSHOT – Mongolia’s Mandakhnaran Ganzorig’s coaches react after the judges announced that Uzbekistan’s Ikhtiyor Navruzov won following a video replay in their men’s 65kg freestyle bronze medal match on August 21, 2016, during the wrestling event of the Rio 2016 Olympic Games at the Carioca Arena 2 in Rio de Janeiro. / AFP / Jack GUEZ


3. Waxa ay ahaayeen laba hablood oo mataano ah oo u dhashay waddanka Jarmalka iyaga oo gacmaha is haysta ayay ku guulaysteen orodka maaratoonka gabdhaha. Markii ay wax yar u soo jireen goobta dhammaadka tartanka ayay gacmaha is qabsadeen oo ay muddo wada ordayeen waxaanay wada galeen kaalinta koowaad.
e10907ba-7e67-4706-ad4e-03e079661f0a

 

4. Haweenay ka tirsan ciyaartoyga Japan oo u tartamaysay tartanka legdinta (Musaaracada) miisaanka weyn oo lagu magacaabo Sara Doshu ayaa markii ay ku guulaysatay biladdii dahabka ahayd ee tartankii ay ka qayb galaysay waxa ay degta u ridatay oo ay qoorta ku qaadatay si dhib yarna ula oroday tababaraheedii gaarka ahaa oo lagu magacaabo Kazuhito Sakai, waxaanay gabadhani dhex ordaysay garoonkii ay ku tartantay iyada oo qoorta ku sidata macallinkeedii oo aanad moodaynba in ay hal kiiloo sidato.

Mandatory Credit: Photo by ddp USA/REX/Shutterstock (5835346x) Sara Dosh (JPN) celebrates her victory over Natalia Vorobeva (RUS) in a women's freestyle 69kg wrestling gold medal match at Carioca Arena 2 Rio 2016 Olympic Games, Wrestling, Carioca Arena 2, Brazil - 17 Aug 2016

Mandatory Credit: Photo by ddp USA/REX/Shutterstock (5835346x) Sara Dosh (JPN) celebrates her victory over Natalia Vorobeva (RUS) in a women’s freestyle 69kg wrestling gold medal match at Carioca Arena 2 Rio 2016 Olympic Games, Wrestling, Carioca Arena 2, Brazil – 17 Aug 2016


5. Waa ciyaaryahankii reer Masar ee diiday in uu gacan qaado laacibka Yuhuudiga ah oo ay wada ciyaareen tartan ciyaarta legdinta Juuduuga loo yaqaano ah. Al Shahaabi oo Masri ahi markii uu ku guul darraystay kulankaasi ayuu diiday in uu gacan qaado xiddigii ka badiyey ee Yuhuudiga ahaa. Arrintan oo dhalisay doodo culus iyo dagaal dibmomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Masar iyo Israel.
9219c2b1-b3c5-4ab6-b573-e9b67bee5ef7
6. Qisadii jacayl ee dhex martay labada ciyaaryahan ee Shiinayska ah kadib markii uu laacibkaasi oo lagu magacaabo Kai, haweenay ku cindanayd in muddo ah oo ay ka wada tirsanaayeen kooxda Shiinayska ah guur kaga dalbaday dadka hortooda wakhti gabadhaasi la guddoonsiiyey billad ay ku guulaysatay. Falkan oo dunida soo jiitay.
78dd66f7-2a29-4b1f-9d2a-752e1d2af47c