Hordhac: Chelsea vs Burnley: Conte Oo Rajeynaya Guushiisii Sadexaad Ee EPL-ka,

0
Saturday August 27, 2016 - 09:43:59 in by Burco Office
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs Burnley: Conte Oo Rajeynaya Guushiisii Sadexaad Ee EPL-ka,

    Chelsea ayaa rajeyneysa iney sii adkeyso loolanka ay ugu jirto horyaalka Premier League-ga marka ay Stamford Bridge galabta kuso dhaweyso Burnley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa rajeyneysa iney sii adkeyso loolanka ay ugu jirto horyaalka Premier League-ga marka ay Stamford Bridge galabta kuso dhaweyso Burnley.


Blues labadii kulan ee ugu horeeyay xagaagan ay ciyaarto EPL-ka waxey min 2-1 kaga gudubtay West Ham iyo Watford.

Chelsea vs Burnley

Dhanka kale Burnley kulankii furitaanka guuldaro ayey ka heshay Swansea City, balse ciyaartii labaad ayey dharbaaxday Liverpool.

Si kastaba hal su’aal ayaa kulankaan la iska weydiin doonaa waa hadii Fabregas uu ka bixi doono kursiga keydka madama uu bandhig wacan sameeyay kulankii Watford. Lama oga iyadoo la qiyaasayo in Conte uu adeegsan doono shaxdiisii hore.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Chelsea vs Burnley

Tartanka: Premier League (Week 3)

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Mark Clattenburg (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Daafaca dhexe ee Blues Kourt Zouma ayaa wali dhaawac dhanka jilibka ah la tacaalaya, marka laga reebo xidigaas reer France ma jiro xidig dhaawac kaga maqnaan doona Blues.

Thibaut Courtois, John Terry, Oscar, Eden Hazard Iy Diego Costa ayaa kusoo laaban doona safka hore Blues kadib markii aysan kusoo bilaaban ciyaartii Carling Cup-ka ee bartamaha todobaadkii dhamaaday.

Burnley ayaa rajeyneysa iney si xoogan kusoo laabato madama ay foolxumo kala kulantay Accrington Stanley, balse waxey ku naalooneysaa guushii weyneyd ee ay Liverpool ka gaareen todobaadkii hore bilowgiisii.

Ashley Barnes Iyo Falanagan ayaan diyaar u aheyn iney u ciyaaran Burnley, balse waxaa dib ugu soo laabanaya Tom Heaton, Defour Iyo Gray.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin afar kulan oo ay horyaalka Premier League-ga ku wajahday Burnley, sadex guulood iyo 1-barbaro.

Branislav Ivanovic ayaa dhaliyay gool labadii kulan oo ay Blues la kulantay Burnley xili ciyaareedkii 2014/15.

Blues ayaa kaliya lumisay hal kulan, 45-tii kula ee ugu dambeysay kulamada Premier League-ga ay gurigeeda kusoo dhaweyso kooxaha kasoo dalaca heerka labaad, guuldaradaasna Bournemouth ayey ka heshay xagaagii hore (1-0).

Diego Costa ayaa dhaliyay 7-gool, 9-kulan oo uu kulamada Premier League kooxdiisa u saftay bisha August.

Burnley kaliya laba dhibcood ayey soo heshay 11 –kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqatay kooxaha London kulamada Premier League (2-barbaro 9-guuldaro), lix gool ayey dhalisay, 28-gool ayaa laga soo dhaliyay.

Shaxda Macquulka Ah:

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Terry, Cahill, Ivanovic; Matic, Kante, Oscar; Hazard, Costa, Pedro

Burnley:Heaton; Lowton, Keane, Mee, Ward; Arfield, Defour, Marney, Boyd; Vokes, Gray