Xog Culus:Akhri Magacyada Wasiirada Aanay Marna Taaban Seefta Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo

0
Saturday August 27, 2016 - 10:12:19 in by Burco Office
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Culus:Akhri Magacyada Wasiirada Aanay Marna Taaban Seefta Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo

    Hargeysa(AFKA)Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu golihiisii wasiirada ugu horeysay ee xukuumadiisa uu magcaabey 07.28.2010 isla markaana waxaa ay xukuumadaasi ka koobneyd 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu golihiisii wasiirada ugu horeysay ee xukuumadiisa uu magcaabey 07.28.2010 isla markaana waxaa ay xukuumadaasi ka koobneyd 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen.
Markii uu madaxweynuhu sameeyey magacaabista golaha wasiirada xukuummadiisa cusub intii uu talada dalka hayey waxaa uu sameeyey madaxweynuhu isku shaandheymo badan kuwaas oo uu xilka kaga qaadayey masuulyiin uu hore u magacaabey , qaar kalena fursad u siiyey in ay xukuumadiisa ka mid noqdaan , halka masuulyiinta qaarkoodna uu ka bedelay booskii uu hore ugu magcaabey .
Hadaba waxa xusid mudan isla markaana ay shabakada Ilaysnews.com idiin soo gudbin doonta magacyada wasiiro uu nasiibku u siiyey in aanay marnaba taaban seefta isku sheendheynta Madaxweyne siilanyo taas oo sabab u noqotey in masuulyiintani ay la cimri noqodaan xukuumada Kulmiye oo hada talada dalka haysa muddo ka badan 6 sanadood waxaana ka mid ah masuulyiintan .
1.Wasiirka Gaashaniga Axmed Xaaji Cali Cadami :
waxaa uu ka mid yahay saddexda wasiir ee aan xafiisyadooda laga beddelin tan iyo maalintii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay waxaannu madax ka yahay wasaarad aad u magac weyn, balse hoosta ka madhan shaqaalaheeduna aanu ka badneen dhowr iyo labataan qof
Akhri :- Sababta La Filaayo In Aan Xilka Looga Qaadin
Waa aftahan hadalkiisu u badan yahay kaftan duur-xul siyaasadeed xambaarsan iyo erey-bixino aan cid kale la wadaagin oo uu magacyo gaar ah u samaystay Waana dhowr iyo toddobaatan jir ku abtirsada Maakhiriyiinta reer Sanaag ee aan guntooda la gaadhin
2.Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Xussen Cabdi Ducaale :
Waxa uu ka mid yahay wasiirrada loo yaqaan lama-taabtaanka ee aannu Madaxweyne Siilaanyo dib u eegin tan iyo markii uu magacaabay waana nin aamusan oo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn loollannada siyaasiga ah ee dalka gudihiisa
Akhri :- Sababta La Filaayo In Aan Xilka Looga Qaadin
Muddadii uu xilka hayey waxa uu dedaal xooggan geliyey sidii shirkadaha waaweyn ee macdanta iyo shidaalka loogu dhiirrigelin inay maalgashadaan khayraadka dihin ee waddanka waana nin qaranka u shaqeeyey naftiisana u shaqeeyey
masuulka saddexaad ee aanay marna sahayan seefta isku shaandheynta madaxweyne siilanyo waa
3.Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii qoriga sitay ee qaybta ka soo qaatay halgankii SNM ee dib-u-xoreynta Somaliland oo uu dhowr jeer ku dhaawacmay
Akhri :- Sababta La Filaayo In Aan Xilka Looga Qaadin
waxaa uu ku guulaystay muddadii uu xilka hayey inuu isu soo dhoweeyo qaybaha culimada ee marar badan isa-seeggu dhexmari jiray.

W/Q: Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdi
Xigasho Foore