Burburka Jidadka Magaaladda Hargeysa Oo Sii Kordhaya Iyo Habacsanaanta Ka Muuqata Hay'addihii Dayactirkooda Qaranka U Qaabilsanaa

0
Saturday August 27, 2016 - 10:23:42 in by Burco Office
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burburka Jidadka Magaaladda Hargeysa Oo Sii Kordhaya Iyo Habacsanaanta Ka Muuqata Hay'addihii Dayactirkooda Qaranka U Qaabilsanaa

    Jidadka halbawlaha ah ee aadka loo isticmaalo ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka dambaysa Waajahaya Burbur Balaadhan,waxaana gabi ahaanba fadhiid noqday oo laga dayrinayaa Hay'addihii dayactiri lahaa ee shaqadaasi qar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jidadka halbawlaha ah ee aadka loo isticmaalo ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka dambaysa Waajahaya Burbur Balaadhan,waxaana gabi ahaanba fadhiid noqday oo laga dayrinayaa Hay'addihii dayactiri lahaa ee shaqadaasi qaranka u hayay.


Wargeyska Foore ayaa u Kuurgalay xaaladda Burbursan ee ay ku sugan yihiin Jidadka ugu saxmada badan ee loogu isticaalka badan yahay ee Magaaladda Hargeysa,kuwaasi oo qaarkood ay qarka u saaran yihiin inay gabi ahaanba ay meesha ka baxaan oo ay noqdaan booraamo looga baqo Gaadiidka. Jidka ka soo dhaadhaca Xaafada Cabaaye ee Bariga Magaalada Hargeysa ee Degmada Gacan Libaax ayaa hadii aad marto aad kala kulmaysaa xaalad adag oo aanay abid la kulmin gaadiidka Jidkaasi maraa,waxa ka qodmay booraamo biyo galeen ah kuwaasi muuqaal badelay jidkaasi islamarkaana ka dhigay goob aan waligeed laamay ahayn oo raf ah.jidkaaasi waxa uu ka mid ahaa jidadka daamurka leh ee ugu socodka wanaagsanaa Magaaladda Hargeysa balse mudooyinkan dambe laguma samayn Wax dayactir ah ama dib u habayn ah.

WADO-GODAY2

Qaar ka mid ah Waddooyinka burburka xooggani soo gaadhay ee boholuhu ka qodmeen waxa kale oo ka mid ah:- Jidka 150-ka ee dhinaca woqooyi ka jara Magaaladda Hargeysa,kaasi oo qofkii maraa uu ku cibro qaadanayo islamarkaana ay ka qodmeen booraamo iyo godad waa weyn oo mararka qaar hakad galiya Gadiidka Istimaala,waxa uu jidkaasi ka mid yahay jidadka la kala shaxaaday ee aan sida fiican loo dayactirin,ee ku jiray Mashruuca Maamul daadejinta Dawlada Hoose ee GPLG. Waxa sidoo kale iyana aad u burbursan: Jidka isku xidha Idaacadda, Xero Awr Illaa Is-goyska Maansoor looga leexdo oo ah kan ugu burburka ballaadhan, Waxaanay jidkaasi ka mid yahay Jidadka aad loo isticmaalo ee halbawlaha ah ee Magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale,guud ahaan Jidadka Xaafadda Gacan Libaax,Jidka isku xidha Degmada Axmed Dhagax Illaa Maxamuud Haybe, Jidka Hal-bawlaha ah ee ka yimaad Madaarka Hargeysa illaa badhtamaha faras-magaalaha Suuqa Hargeysa,Jidka Ina Bakeeri Illaa gooladda dambe ee Warshadda Masaabiirta oo ah muraayaddii caasimadda ayaa burbur xooggan ka sokow ciid badan iyo boodh saa’id ahi ku habsaday. Dayactir la’aanta ku dhacday Jidadkani ee isgaadhay ayaa waxa dusha uridanaya Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeysa oo xaaladooda maamul laga dayrinayo. Dhawr jid oo ay Maamulka Dawladda Hoose hore dayactir ugu sameeyeen ayaa durba burburay waxaana arintaasi loo tirinayaa inay jirto kala shaxaad iyo musuq maasuq xoogan oo ay masuuliyiinta Dawlada Hoose ku kala shaxaadaan lacagaha Mashaariicda Maamul daadejinta loo qorsheeyay.

Xigasho Foore